Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Blog

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, oo kaashanaysa Hay’adda Save the Children in Soomaaliya, ayaa magaalada Boosaaso ku qabatay munaasabadda xuska Todobaadka Tallaalka Adduunka, kaas oo Puntland laga xusayo si kor loogu qaado wacyigelinta bulshada iyo adeegyada tallaalka.

Ololaha Todobaadka Tallaalka Adduunka ayaa socon doona illaa 30-ka bisha Abriil. Inta uu socdo, Wasaaradda Caafimaadka oo kaashanaysa Hay’adda Save the Children waxay hawlgelin doontaa kooxo wacyigelin caafimaad iyo kooxo bixiya adeegyada tallaalka, kuwaas oo gaari doona deegaanada miyi iyo magaalo, si loo kordhiyo helitaanka adeegyada tallaalka loona xoojiyo fahamka bulshada ee faa’iidada tallaalka.

(more…)

Wasaaradda caafimaadka oo qabatay maalinta duumada adduunka

Xuska maalinta Caalaamiga ah ee duumada adduunka oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda caafimaadka Puntland ee Garoowe, waxaa ka qayb galay wasiiru-dowlaha wasaaradda Caafimaadka Puntland Cali Maxamed Cismaan (Cali gurey) Madaxa Hay’adda UNICEF Garowe Edith Kabui agaasimayaal, bahada Caafimaadka gaar ahaan Macadka Shaafi iyo marti sharaf kale waxaana diirada lagu saaray horumarka laga gaaray ka hortaga iyo Xakamaynta cudurka duumada, oo sanadkii 2012 si aan horay loo arag uga dilaacay Boosaaso tan iyo markaasna wasaaradda caafimaadka iyo hay’addaha la shaqeeyaa ku howlanayeen xakamayntiisa.

(more…)

Agaasimaha Caafimaadka Aasaasiga ah ee Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Abshir Xirsi, ayaa maanta salaadda Jimcaha kaddib masaajidka Madiina ee magaalada Garoowe ka jeediyay khudbad wacyigelin caafimaad oo muhiim ah

Agaasimuhu wuxuu si gaar ah uga hadlay muhiimadda tallaalka iyo doorka uu ka qaato ka hortagga cudurrada halista ah, isaga oo bulshada ku boorriyay in carruurta loo dhammeystiro dhammaan tallaallada lagama maarmaanka ah. Waxa uu sidoo kale digniin ka bixiyay cudurka gawracatada (Diphtheria), oo kiisas laga diiwaangeliyay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Nugaal, gaar ahaan Eyl iyo Godobjiraan. Agaasimuhu wuxuu xusay in xanuunkan looga hortagi karo oo keliya tallaalka, isla markaana xarumaha caafimaadka gobolka laga heli karo adeegyada tallaalka.

(more…)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr-Maxamed Xidig iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Puntland Mudane Shaafici Maxamuud Ismaciil ayaa maanta si wadajir ah dhir-beeris ugu sameeyey xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka.

Ololahan oo qayb ka ah Toddobaadka Dhir-beerista Puntland ayaa ujeedkiisu tahay himilada hormarineed ee Puntland Cagaraan, iyadoo laga bilaabayo xarumaha dowladda, si gaar ah wasaaradaha iyo hay’adaha, kuwaas oo loo diyaarinayo inay noqdaan goobo tusaale u ah ilaalinta deegaanka iyo horumarinta bilicda guud ee Puntland.

(more…)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday hay’adda World Vision oo uu hoggaaminayay Axmed Xuseen Subeyr madaxa xafiiska Puntland.

Kulankan waxaa Wasiirka ku wehelinayay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Marwo Maryan Cismaan Axmed, Wasiiru-dowlaha, Mudane Cali Maxamed Cismaan,Agaasimaha Guud, Dr. Maxamed Maxamuud Xidig iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxyaha iyo Lataliyaasha Wasaaradda.

(more…)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, oo ay weheliyaan, Wasiiru-dowlaha Mudane Cali Maxamed Cismaan iyo Agaasimaha Guud Dr. Maxamed Maxamuud Xidig ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka shaqaalaha guud ee Wasaaradda.

Dr Maxamed Maxamuud Xidig agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka oo shirka furay ayaa shaqaalaha la wadaagay kulanka waxa uu daaranyahay oo ku saabsan is araga shaqaalaha guud iyo hogaanka cusub ee wasaaradda, waxaa sidoo kale uu xusay shirka lagu doonayo in lagu dardargaliyo shaqada socota.

(more…)