Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ahna Kusimaha Wasiirka, Marwo Maryam Cismaan Axmed (Fangase), oo uu wehelinayo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Caafimaadka Cali Maxamed Cismaan, ayaa maanta xafiiska ku qaabishay saraakiil ka socotay hay’adda World Vision
Shirkadda korontada ee NECSOM iyo koox farsamo oo ka shaqayn doonta dayactirka qalabka Shaybaarka weyn ee Dowladda Puntland ayaa iyaguna kulanka qayb ka aha. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorshaha dib-u-habaynta iyo hagaajinta qalabkii ka gubtay Shaybaarka Weyn, iyadoo laga wada hadlay sidii qalabka cusub loogu rakibi lahaa qaybta shaqadu ka hakatay si adeegyada shaybaarku dib ugu bilaabmaan si hufan.
Hay’adda World Vision ayaa fududeysay hirgelinta hawshan, halka shirkadda NECSOM ay dhinaca farsamada kala shaqayn doonto kooxda ku howlan rakibidda iyo hawlgelinta qalabka.
Wasiir Maryam Osman Ahmed (Fangase) ayaa adkaysay muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo dhamaystiro dayactirka iyo rakibidda qalabka, iyadoo sidoo kale tilmaantay in taxaddar dheeraad ah laga yeesho ka hortagga ciladihii sababay dhibaatadii hore.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Agaasimayaasha Waaxda Caafimaadka Guud, Waaxda Qorshaynta, Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda, iyo Madaxa Shaybaarka Guud ee Dowladda Puntland.

















DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland