Kusimaha Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Marwo Maryam Osman Ahmed (Fangase), oo uu wehelinayo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Cali Mohamed Cismaan iyo Kusimaha Agaasimaha Waaxda Adeegyada Caafimaadka Cabdifitaax Muufo, ayaa maanta agab dawo ah u diray gobolka Sanaag
Agabkan daawada ah ayaa jawaab u ah baahi dawo oo ka jirtay gobolka, waxaana loo qaybin doonaa qaar kamid ah xarumaha caafimaadka si loo xoojiyo adeegyada caafimaadka ee bulshada loo hayo.
Marwo Maryam Osman Ahmed (Fangase) ayaa sheegtay in Wasaaradda Caafimaadku ay ka go’an tahay gaarsiinta adeegyo caafimaad iyo dawooyin tayo leh dhammaan gobollada Puntland, iyadoo xustay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada.
Wasaaraddu waxay sii wadi doontaa qiimeynta iyo daboolidda baahiyaha caafimaad ee ka jira gobollada Puntland si bulshada loo gaarsiiyo adeeg caafimaad.








DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland