Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa shir-guddoomiyey kulanka toddobaadlaha ah ee ay yeeshaan Agaasimayaasha Waaxyaha iyo Madax-qaybeedyada Wasaaradda Caafimaadka Puntland, kaas oo si joogto ah uga qabsooma xarunta dhexe ee Wasaaradda maalin kasta oo Arbaco ah

21 May

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa shir-guddoomiyey kulanka toddobaadlaha ah ee ay yeeshaan Agaasimayaasha Waaxyaha iyo Madax-qaybeedyada Wasaaradda Caafimaadka Puntland, kaas oo si joogto ah uga qabsooma xarunta dhexe ee Wasaaradda maalin kasta oo Arbaco ah

Shirka waxaa ku weheliyey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Marwo Maryan Axmed Cismaan, Wasiiru-Dawlaha Cali Maxamed Cismaan iyo Agaasimaha Guud Dr-Maxamed Xidig.

Intii uu kulanku socday, waxaa looga hadlay waxqabadkii toddobaadkii la soo dhaafay, iyadoo Waaxda Qorshayntu ay soo bandhigtay xogta guud ee ku saabsan waxyaabihii ka qabsoomay qorshihii la dejiyay, kaas oo qayb ka ah hirgelinta qorshaha 90-ka maalmood ee hoggaanka Wasaaradda.

Sidoo kale, waxaa shirka lagu soo bandhigay Guddiga Anshaxa iyo Ilaalinta Habraaca Shaqada ee Wasaaradda oo dhawaan uu magacaabay Wasiirku, kuwaas oo soo bandhigay qabyo-qoraalka xeer-hoosaadka anshaxa Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Mohamed Abdirahman Mohamed, ayaa sidoo kale shahaado-sharaf guddoonsiiyay Cabdiweli Mohamed Aadan oo ka tirsan Wasaaradda, waxaana lagu maamuusay doorkii uu ka qaatay dhismaha iyo maamulka bogga Facebook-ga Wasaaradda, kaas oo uu hadda ku wareejiyay Qaybta Isgaarsiinta ee Wasaaradda.

Wasiir Mohamed Abdirahmaan Mohamed oo shirka soo xiray ayaa masuuliyiinta Wasaaradda la wadaagay jihada iyo yoolalka shaqo ee toddobaadka socda, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay dhammaystirka howlaha qabyoobay iyo xoojinta wada-shaqeynta gudaha Wasaaradda.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA

Website: www.moh.pl.so

LinkedIn: Puntland Ministry of Health

X (Twitter): @MOHPuntland

Facebook: ministryOfHealthPuntland

TikTok: @moh.puntland

YouTube: @MOHPuntland

Write a Reply or Comment