Kusimaha Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Mudug, Xirsi Xuseen Nuur Dirir, ayaa maanta ka qayb galay kulan ballaaran oo ka qabsoomay xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Mudug, kaas oo ay isugu yimaadeen maamulka gobolka, isu-duwayaasha hay’adaha dowladda, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo ururrada samafalka ee ka hawlgala gobolka.
Kulanka ayaa looga hadlay isbarashada maamulka cusub ee gobolka, dib-u-eegista waxqabadkii shantii bilood ee ugu horreysay sanadkan 2026, iyo qorshayaasha la hiigsanayo lixda bilood ee ka harsan sanadkan.
Hay’adihii ka qayb galay kulanka waxaa ka mid ahaa WFP, UNOCHA, MSF, CARE, WVI, SCI, SRCS iyo hay’ado kale oo badan oo ka shaqeeya arrimaha horumarinta iyo gargaarka bulshada.
Xirsi Nuur kusimaha Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka gobolka Mudug ayaa kulanka kula wadaagay maamulka gobolka iyo hay’adaha ka qayb galay digniinta iyo heerka diyaar-garow ee la xiriira cudurka Ebola, isagoo xustay tallaabooyinka ay Wasaaraddu qaaday si looga hortago loogana feejignaado cudurkan.
Sidoo kale, Xirsi ayaa adkeeyay muhiimadda uu leeyahay xoojinta wacyigelinta bulshada, kor u qaadista ka qaybgalka tallaalka, iyo dadaallada lagu xakameynayo laguna hortagayo cudurrada faafa, si loo ilaaliyo caafimaadka bulshada loona yareeyo khataraha caafimaad ee ka dhalan kara faafitaanka xanuunnada.
















DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland