Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Kusimaha Isku-duwaha Caafimaadka Gobolka Mudug, Mudane Xirsi Xuseen Nuur Dirir, ayaa maanta lagu guddoonsiiyey Shahaado Sharaf lagu maamuusayo kartidiisa hoggaamineed, hufnaanta shaqadiisa, firfircoonidiisa iyo kaalinta muuqata ee uu ka qaatay taageerada iyo la shaqaynta Ciidanka Booliska Puntland

02 Jun

.

Shahaadadan ayaa lagu guddoonsiiyey munaasabad ka dhacday Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Gen. Carays Godod, iyadoo si rasmi ah u guddoonsiiyey Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Muumin Cabdi Shire, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Maxamed Baarri Shire.

Mas’uuliyiinta ayaa si weyn ugu bogaadiyey Mudane Xirsi dadaalka joogtada ah ee uu ku bixiyo horumarinta adeegyada caafimaadka, gaar ahaan taageerada uu siiyo ciidamada iyo bulshada Gobolka Mudug. Waxay xuseen in shahaadadani ay tahay aqoonsi lagu maamuusayo shaqada wanaagsan, daacadnimada iyo xirfadda uu ku gudanayo waajibaadkiisa shaqo.

Dhankiisa, Mudane Xirsi Xuseen Nuur Dirir ayaa uga mahadceliyey Taliska Ciidanka Booliska Puntland iyo dhammaan masuuliyiintii ka dambeysay maamuuskan, isaga oo sheegay in shahaadadani ay dhiirrigelin u tahay sii xoojinta dadaallada uu ugu adeegayo bulshada iyo horumarinta adeegyada caafimaadka ee Gobolka Mudug.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA

Website: www.moh.pl.so

LinkedIn: Puntland Ministry of Health

X (Twitter): @MOHPuntland

Facebook: ministryOfHealthPuntland

TikTok: @moh.puntland

YouTube: @MOHPuntland

Write a Reply or Comment