Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Mudug oo uu hoggaaminayo Xirsi Xuseen Dirir, ku-simaha Isuduwaha Wasaaradda, ayna wehelinayso Maryan Xuseen, Madaxa Caafimaadka Aasaasiga ah, ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka bilaabay ololaha xoojinta wacyigelinta caafimaadka iyo tallaalka, iyadoo lagu guda jiro Toddobaadka Wacyigelinta Tallaalka Adduunka.
Wasaaradda Caafimaadka heer dhexe iyo heer gobolba waxay si wadajir ah u wadaan wacyigelin ballaaran oo laga fulinayo masaajidda, iskuullada, kaamam barakacayaasha iyo goobaha kale ee ay bulshadu isugu timaado. Ololahan ayaa diiradda saaraya xasuusinta bulshada muhiimadda tallaalka iyo dardargelinta qaadashadiisa.
Mas’uuliyiintu waxay si gaar ah u adkeeyeen muhiimadda tallaalka looga hortago cudurrada faafa, gaar ahaan cudurka gawracatada (diphtheria), oo khatar weyn ku haya carruurta iyo dadka nugul.
Ugu dambayn, Wasaaradda Caafimaadka ayaa ballan qaaday inay sii xoojin doonto dadaallada lagu gaarsiinayo bulshada adeegyo caafimaad oo tayo leh iyo wacyigelin joogto ah.
#wiw2026#VaccinesWork#WorldImmunizationWeek
— DHAMMAAD —




















Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland.