29
Apr
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed ayaa maanta shaqo kormeer ah ku tegey xafiiska xarumaha caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka ee Gambool (MCH) iyo Xarunta cafimaadka Hooyada iyo dhallaanka ee Jilab oo ku yaala magaalada Garowe
.
Wasiirka waxaa kormeerka ku weheliyay wasiiru-dawlaha wasaaradda caafimaadka Cali Mohamed Osmaan dhamman goobaha uu booqday waxa uu kula kulmay maamulka iyo shaqaalaha Goobaha cafimaadka, isagoo ka wareestay shaqada , sidda ay bulshada ugu adeegayaan iyo baahiyaha jire ee u baahan in wax laga qabto.
Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Mohamed Abdirahaan Mohamed ayaa sheegay in dhammaan xarumaha caafimaad ee uu maanta booqday ay ka socoto shaqo wanaagsan, waxaana uu kula dardaarmay maamulka iyo shaqaalaha xarumahaasi inay sii laba jibaaraan shaqada ay bulshada u hayaan.
DHAMMAAD-













XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.