29
Apr
Agaasimaha Caafimaadka Aasaasiga Cabdirisaaq Abshir Xirsi ayaa shir la yeeshay madaxda MCH-yada, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta iyo wacyigelinta asbuuca tallaalka.
Kulankaas waxaa sidoo kale ka qeyb galay Madaxa Tallaalka Caafimaadka Muxiyadiin Axmed Maxamed. Waxaa la isla gartay in la xoojiyo dadaallada socda, iyadoo madaxdu ballan qaadeen inay kordhiyaan saacadaha shaqada si bulshada u hesho adeeg hufan oo joogto ah.
Dhanka kale, Hay’adda PSI iyo Xarunta Caafimaadka Gobolka Nugaal ayaa ka wada hadlay xaaladda cudurka gowracatada, iyagoo isku raacay in la xoojiyo tallaalka, wacyigelinta bulshada, iyo iskaashiga si si degdeg ah looga hortago loona xakameeyo cudurka.
— DHAMMAAD —

























Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland.