Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Blog

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta shahaadooyin gudoonsiisay dhakhaatiirta qaliinka faruuryaha ka samaysay Garowe.

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta shahaadooyin gudoonsiisay dhakhaatiirta qaliinka faruuryaha ka samaysay Garowe.
Garowe, Mar,30,2022:- Wasiirka wasaaradda caafimaadka DOwlada Puntland Dr- JAamac FaArax Xasan oo uu wehelinayo agaasimaha guud ayaa maanta kulan Mahadcelin iyo shahaadooyin ay ku guddoonsiiyeen la qaatay Maxamed Cabdiraxmaan Cali Madaxa Hay’adda Som Care iyo dhakhaatiir qaliino bilaasha usameeyay dadka faruuran. (more…)

Agaasimaha Guud wasaaradda Caafimaadka oo ka qaybgalay qalinjabinta Dufcadii 21aad ee Jaamacada Culuumta Caafimaadka Boosaaso.

Agaasimaha Guud wasaaradda Caafimaadka oo ka qaybgalay qalinjabinta Dufcadii 21aad ee Jaamacada Culuumta Caafimaadka Boosaaso.
Boosaaso, April,01,2022:- Dr- Abdirisaaq Xirsi Xasan Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland ayaa 31- March- 2022 ka qaybgalay qalinjabinta Dufcadii 21aad ee Jaamacada Culuumta Caafimaadka Boosaaso. (more…)

Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay hay’adda UNICEF Soomaaliya.

Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay hay’adda UNICEF Soomaaliya.
Garoowe: 18 April 2022: Wasiir-ku-xigeenka ahna Kusimaha Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Cabdinaasir Yuusuf Xaaji ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay hay’adda UNICEF Soomaaliya oo uu hogaaminayay Nejmudin Kedir Bilal ah ku-xigeenka madaxa Soomaaliya.

(more…)

Wasaaradda Maaliyada oo maanta Xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka ka daahfurtay midaynta xasaabaadka Dowladda

Wasaaradda Maaliyada oo maata Xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka ka daahfurtay midaynta xasaabaadka Dowladda.
Garoowe: 17 April 2022: Wasaaradda caafimaadka dawlada Puntland ayaa maanta noqotay xaruntii ugu horaysay ee xarumaha Dawlada ee laga bilaabo midaynta xisabaadka dowladda.  Wasaraadda maaliyadu ayaa ka shaqaynaysay saddexdi sano ee la soo dhaafay gaar ahan xafiiska Xisaabiyaha guud. (more…)

Shirka dib u eegista Mashruuca Caafimaadka Gobolka Karkaar oo Qardho laga daah-furay.

Shirka dib u eegista Mashruuca Caafimaadka Gobolka Karkaar oo Qardho laga daah-furay.
Qardho, Mar,23,2022:- Waxaa Magaalada Qardho saaka ka furmay shir balaaraan kaas oo dib loogu eegayo mashruuca Caafimaadka Shine ee Gobolka Karkaar, kaas oo ay wado wasaaradda caafimaadka Gobolka karkaar oo gacan ka helaysa Hay’ada Save The Children iyo Unicef.
Shirka oo ay kasoo qayb-galeen madaxda iyo hawl-wadeena xarumaha caafinaadka ee Gobolka Karkaar iyo Madaxda Wasaaradda (more…)

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta gaari Ambalaas ah ku wareejisay Degmada Taleex Ee Gobolka Sool

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta gaari Ambalaas ah ku wareejisay Degmada Taleex Ee Gobolka Sool.
Garowe, Jan,11,2022:- Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta degmada Taleex ee gobolka Sool ku wareejisay gaari Ambalaasah kaasoo loogu talagalay in loogu adeego hooyada iyo dhallaanka ku nool degmada iyo hareeraheeda.

(more…)

Wasaaradda caafimaadka Dowlada Puntland ayaa maanta degmada Eyl ee gobolka Nugaal ku wareejisay gaari ambalaas ah

Wasaaradda caafimaadka oo maanta gaari Ambalaas ah ku wareejisay Degmada EYl Ee Gobolka Nugaal.
Garowe, Jan,10,2022:- Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta degmada Eyl ee gobolka Nugaal ku wareejisay gaari Ambalaasah kaasoo loogu talagalay in loogu adeego bulshada ku dhaqan degmadaas.
Agaasimaha guud wasaaradda caafimaadka, agaasimaha maamulka isu duwaha caafimaadka gobolka Nugaal, duqa Degamada Eyl,  maamulaha caafimaadka degmada iyo agaasimaha cusbitaalka degmada, xiriiriyaha Puntland ee Mashruuca Marwo Caafimaad ayaa ka qaybgalay wareejinta gaariga.

(more…)

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland oo furay tababar loo qabtay madaxda xogta caafimaadka iyo kuwa tallaalada ee dhammaan dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland oo furay tababar loo qabtay madaxda xogta caafimaadka iyo kuwa tallaalada ee dhammaan dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.
Garowe, Jan,10,2022:- Waxaa saakay ka furmay xarunta dhexe ee wasaarada caafimaadka Puntland tababar kor loogu qaadayo d dhanka Excel sheetka, tababarkaan oo ay ka soo qaybgaleen madax ka socota wasaaraddaha caafimaadka dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, waxaanu soconayaa 4 maalmood. (more…)