Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed ayaa maanta magaalada Garoowe ka daahfuray munaasabadda Xuska Todobaadka Caalamiga ah ee Tallaalka

26 Apr

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed ayaa maanta magaalada Garoowe ka daahfuray munaasabadda Xuska Todobaadka Caalamiga ah ee Tallaalka

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed ayaa maanta magaalada Garoowe ka daahfuray munaasabadda Xuska Todobaadka Caalamiga ah ee Tallaalka, kaas oo ah olole sannadle ah oo caalamka oo dhan laga hirgeliyo si kor loogu qaado wacyiga bulshada loona muujiyo doorka muhiimka ah ee tallaalku ku leeyahay badbaadinta nolosha, gaar ahaan carruurta da’doodu ka yar tahay shanta sano.

Muxiyadiin Axmed maxamed madaxa Tallaalka wasaaradda caafimaadka ayaa yiri:-

“ Kulankeena maanta waxa uu daaranyahay xuska todobaadka talaalka aduunka, maanta oo kale 52 sano ka hor ayaa aduunku u aqoonsaday todobaadka ugu dhabeeya bisha April inay noqoto todobaadka talaalka aduunka, waxaa kulankaan looga hadlaa sidii kor loogu qaadi lahaa, loona noolayn lahaa wacyigalinta bulshada ee muhiimada talaalka. Talaalku waxa uu ilmaha ka difaacaa cudurada dilaaga ah ee ku dhaca sida jadeecada, gawracatada, qiixdheerta dabaysha iyo kuwa kamid ah, ilmaha talaalan marka cuduradaan ku dhacaan waxaa u sahlan inuu ka fiicnaado difaac adagna jirkiisu uyeesho balse ilmaha aan talalanayn halis caafimaad ayuu ku keenaa qaarkoodna waxaa dhacda inay udhintaan.”

Dr Ibaraahim oo kamid ah dhakhtarka caruurta kana hawlgala cisbitaalka Khaliil ayaa isaguna hadal ka jeediyay munaasibada waxaana uu yiri :-

“ Waxaan ku faraxsanahay inaan wasaradda kala soo qaybgalo xuska todobaadka talaalka aduunka, sida aan la kulano Ilmaha talaalka qaata inta badan xanuunku samaynta uu ku yeesho way ka yartahay ama sahlantahay midka aan talaalka qaadan, sababtaas ayaa loo dhiirigalinayaa in kor loo qaado talaalka. Walidiinta waxaa ku baraarujinaynaa inay ilmaha talalaan si cudurada khatartooda uga badbaadaan, talaalka inoo yimaada waa mid la soo hubiyay baaritaan lagu soo sameeyay mana jirto wax dhibaato ah oo uu ilmaha ku keeno taas badalkeeda caafimaadkiisa ayuu qayb ka qataa.”

Jamac Dacar, Farhan Bashiir iyo Khaliif oo kala socday hay’adda Save the Children, WHO, UNICEF oo ka hadlay munaasiabda ayaa dhamaantood qiray muhiimada tallaalku leeyahay waxayna bogaadiyeen shaqada wanaagsan oo wasaaraddu qabatay, waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen in cudurada faafa kaliya looga hortagi karo tallaalka.

Abdirisaaq Abshir Xirsi agaasimaha caafimaadka asaasiga ah ahna kusimaha guud ee wasaaradda oo ka hadlay ayaa yiri:-

“Waxaan maanta uwada joognaa Xuska Toddobaadka Aduunka oo sanadkasta la qabto, waxaana la isku wacyigaliyaa muhiimada tallaaalka iyo dardargalinta qaadashadiisa, sanadka waxaa muhiimada la siinayaa cudurka gawracatada oo samayn ku yeelatay caruurta si kiisas ku saabsana laga helay gobolka Nugaal”

Wasiir Mohamed Abdirahmaan Mohamed oo munaasibada soo xiray ayaa yiri:-

“ Waxaan maanta uwada joognaa xuska todobaadka tallaalkaaduunka oo sanadkasta aduunka laga xuso, wasaraadda waxaa ka go’an xoojinta iyo ballaarinta adeegyada tallaalka si loo gaaro dhammaan carruurta Puntland, gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada fog-fog. Waxaan baraarujinayaa in talaalka lagu dadaalo, wasaaraddu waxay ka shaqayn doontaa in ilmo aan talaal qaadan ama cardka talaalka wadan uusan waxbarsho bilaabin si loo adkeeyo caafimaadka caruurta,

“ Ugu dambeyn, wasiirka caafimaadka ayaa ugu baaqay waalidiinta Puntland, gaar ahaan hooyooyinka, inay si joogto ah carruurtooda ugu geeyaan xarumaha caafimaadka si ay u helaan tallaallada lagama maarmaanka ah, isagoo xusay in tallaalku yahay difaac sugan oo lagu badbaadin karo nolosha carruurta laguna xaqiijin karo bulsho caafimaad qabta oo mustaqbal leh.

Munaasibada waxaa ka qaybgalay maamulka iyo ardayda machadka caafimaadka Shaafi ee magaalada Garowe

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment