Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Iyadoo lagu guda jiro Toddobaadka Wacyigelinta iyo Dardargelinta Tallaalka, maamulka caafimaadka gobolka Sanaag ayaa maanta booqday qaar ka mid ah xaafadaha magaalada magaalada Badhan, halkaas oo ay ka sameeyeen wacyigelin caafimaad iyo tallaal bixin

30 Apr

Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Sanaag, Marwo Faatima Ibraahim Ismaaciil, oo ay wehelinayeen xubno kale oo ka tirsan wasaaradda, ayaa xaafadaha ay booqdeen oo guri guri ahaan la wadaagay muhiimada toddobaadka tallaalka uu leeyahay iyo in caruurta la siiyo kuwa aan dhamaysana loo dhamaystiro iyo fariimo muhiim ah oo la xiriira caafimaadka guud iyo tallaalka.

Ugu dambayn, maamulka caafimaadka gobolka Sanaag ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan ololayaasha wacyigelinta iyo dadaallada lagu xoojinayo adeegyada tallaalka, si loo gaarsiiyo dhammaan bulshada, gaar ahaan meelaha baahida badan leh.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment