Iyadoo lagu guda jiro Toddobaadka Tallaalka Adduunka, maamulka caafimaadka gobolka Raas Caseyr ayaa maanta booqday qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Caluula, halkaas oo ay ka fuliyeen wacyigelin caafimaad iyo adeegyo tallaal
Maamulaha Caafimaadka Degmadda Caluula, C/risaaq Adan Cali Ayax oo ololahaan hor kacayay ayaa booqday xaafada magaalada Caluula iyo goobaha bulshadda ku kulmaan ayagoo bixinaya wacyigalin Caafimaad ee ku sabaasan Tallaalka iyo guud ahaan Caafimaadka.
Sidoo kale Maamulka Degmadda Caluula waxay hawl galiyeen kooxaha banaan u baxa (Outreach team) ee tallaalada bixiya si kor loogu qaado qaadashada Tallaalka ee Bulshadda.
Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, gaar ahaan Waaxda Caafimaadka Aasaasiga ah iyo Qaybta Tallaalka, oo kaashanaysa maamullada gobollada, ayaa toddobaadkan ka wada dhammaan gobollada iyo degmooyinka wacyigelinno la xiriira caafimaadka iyo dardargelinta qaadashada tallaalka.
DHAMMAAD-














XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.