Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed , oo ay weheliso Kuxigeenka Wasiirka Maryan Cismaan Axmed, ayaa maanta guddoomiyey kulan muhiim ah oo ay la yeesheen agaasimayaasha iyo madax-qaybeedyada wasaaradda.

29 Apr

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta shaqada wasaaradda, iyadoo wasiirku sheegay in shirarkan noocan oo kale ahi ay si joogto ah uga qabsoomi doonaan wasaaradda , si loon qiimeeyo halka ay marayaan hawlaha iyo qorshayaasha socda.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu soo bandhigay habraac cusub oo lagu hagaajinayo wadaagga xogta shaqada, isla markaana kor loogu qaadayo hufnaanta iyo wada-shaqeynta gudaha wasaaradda.

Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah looga hadlay qorshaha 90-ka maalmood ee hoggaanka cusub, kaas oo lagu doonayo in lagu gaaro horumar muuqda, iyadoo qayb kasta laga filayo inay si firfircoon uga shaqeyso fulintiisa.

Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in waqtiga shaqada iyo ka faa’iideysigiisu uu yahay halbeegga ugu muhiimsan ee lagu qiimeyn doono waxqabadka shaqaalaha.

Shirka waxaa ka qabgalay kusimaha agaasimaha guud Abdirisaaq Abshir Xirsi agaasimaha caafimaadka asaasiga ah iyo dhamaan agaasimayaasha waaxyaha iyo madaxda qaybaha wasaaradda.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment