Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Blog

Wasaaradda caafimaadka Dowlada Puntland ayaa maanta degmada Eyl ee gobolka Nugaal ku wareejisay gaari ambalaas ah

Wasaaradda caafimaadka oo maanta gaari Ambalaas ah ku wareejisay Degmada EYl Ee Gobolka Nugaal.
Garowe, Jan,10,2022:- Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta degmada Eyl ee gobolka Nugaal ku wareejisay gaari Ambalaasah kaasoo loogu talagalay in loogu adeego bulshada ku dhaqan degmadaas.
Agaasimaha guud wasaaradda caafimaadka, agaasimaha maamulka isu duwaha caafimaadka gobolka Nugaal, duqa Degamada Eyl,  maamulaha caafimaadka degmada iyo agaasimaha cusbitaalka degmada, xiriiriyaha Puntland ee Mashruuca Marwo Caafimaad ayaa ka qaybgalay wareejinta gaariga.

(more…)

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland oo furay tababar loo qabtay madaxda xogta caafimaadka iyo kuwa tallaalada ee dhammaan dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland oo furay tababar loo qabtay madaxda xogta caafimaadka iyo kuwa tallaalada ee dhammaan dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.
Garowe, Jan,10,2022:- Waxaa saakay ka furmay xarunta dhexe ee wasaarada caafimaadka Puntland tababar kor loogu qaadayo d dhanka Excel sheetka, tababarkaan oo ay ka soo qaybgaleen madax ka socota wasaaraddaha caafimaadka dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, waxaanu soconayaa 4 maalmood. (more…)

Agaasimaha Guud wasaaradda caafimaadka dowlada Puntland oo maanta booqday Jaamacadda Culuumta caafimaadka Boosaaso.

Agaasimaha Guud wasaaradda caafimaadka dowlada Puntland oo maanta booqday Jaamacadda Culuumta caafimaadka Boosaaso.
Boosaaso, Nov, 23, 2021: Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka dowlada Puntland Dr- Cabdirsaaq Xirsi Xasan oo uu wehelinayay agaasimaha waaxda caafimaadka asaasiga ah Mudane Cabdirisaaq Abshir Xirsi ayaa maanta booqday jaamacadda culuumta caafimaadka Boosaaso.

(more…)

Shirka Dib u eegista mashruuca caafimaadka gobolada Bari iyo Gardafuu oo maanta Boosaaso ka furmay

Shirka Dib u eegista mashruuca caafimaadka gobolada Bari iyo Gardafuu oo maanta Boosaaso ka furmay.
Boosaaso, Nov, 24, 2021: Waxaa maanta ka bilawday magaalada Boosaaso shirka dib u eegista caafimaadka ee gobolada Bari iyo Gardafuu, shirkan ayaa waxaa dib loogu eegayay mashruuc cusub oo caafimaadka ah oo sanadkan ka bilawday labada gobol waxaana uu taageeraa ilaa 7 degmo.

(more…)

Olalaha tallaalka macallimiinta iyo ardayda ka weyn 18-ka Sano ayaa maanta laga daahfuray dugsiga sare ee Gambool

Olalaha tallaalka macallimiinta iyo ardayda ka weyn 18-ka Sano ayaa maanta laga daahfuray dugsiga sare ee Gambool.
04-Oct-2021:- Wasaaraddaha caafimaadka iyo waxbarshada dowladda Puntland ayaa maanta dugsiga sare ee Gambool ka daahfuray mashruuca tallaalka badbaadsan oo lagu tallaalayo macallimiinta iyo ardayda dugsiyada sare dhigata ee ka weyn da’da 18-ka Sano ee Puntland.

(more…)

Waxaa maanta ka furmay xarunta dhexe ee Wasaarada caafimaadka Puntland shir dib u eegis loogu samaynayo waxqabadkii malaariyada ee afartii bilood ee la soo dhaafay

Waxaa maanta ka furmay xarunta dhexe ee Wasaarada caafimaadka Puntland shir dib u eegis loogu samaynayo waxqabadkii malaariyada ee afartii bilood ee la soo dhaafay iyo qorshaha cusub. Furitaanka Shirka waxaa ka qayb galay Agaasimaha guud ee Wasaarada caafimaadka, Agaasimaha waaxda caafimaadka dadweynaha, Madaxa Duumada iyo masuuliyiin ka socday Hay’adaha UNICEF, WHO, iyo isu duwayaasha Caafimaadka ee gobolada.

(more…)

Wefti ka socda Hay’adda WHO oo maanta Booqasho ku yimid wasaaradda caafmaadka

Wefti ka socda Hay’adda WHO oo maanta Booqasho ku yimid wasaaradda caafmaadka.
29-09-2021:- Waxaa booqasho gaaban ku yimid xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland wefti balaaran oo ka socday hay’adda Qaramada midoobey u qaabilsan Caafimaadka Adduunka ee WHO.
Wefdigan oo uu hoggaaminayey Dr.Asmus Hammerich, Agaasimaha Cudurada aan la isu gudbin iyo Caafimaadka Dhimirka ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka Xafiiskeeda Qaahira (more…)

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo booqday xarunta karantiilka ee Qardho iyo dugsiga tababarada ciidanka ee Xorgoble

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo booqday xarunta karantiilka ee Qardho iyo dugsiga tababarada ciidanka ee Xorgoble.
25-09-2021:- Wasiirka Wasaarada Caafimaadka dawlada Puntland Dr Jaamaca Faarax Xasan oo hawlo shaqo u jooga magaalada Qardho ayaa booqasho ku tegey cusbitaalka guud ee Qardho, si gaar ah qaybta karantiilka iyo la tacaalida xanuunka Covid-19 oo dhowaan cusbitaalka la hoos geeyay.

(more…)