Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo uu weheliyo wasiir ku xigeenka wasaaradda Dr Cabdirishiid Xasan Jasmac ayaa warbixino ka dhegeystey waaxyaha qorshaynta, shaqada iyo shaqaalaha iyo maamulka iyo maaliyada.

07 Apr

Garoowe: 06 April 2024: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo uu weheliyo wasiir ku xigeenka wasaaradda Dr Cabdirishiid Xasan Jasmac ayaa warbixino ka dhegeystey waaxyaha qorshaynta, shaqada iyo shaqaalaha iyo maamulka iyo maaliyada.

Saddexda waaxyood ayaa wasiirrada la wadaagay shaqada maalin laha ah ee socota qaabka ay usocoto iyo caqabadaha jira.
Wasiirrada ayaa su’aalo ka weydiiyey waxyaabaha ay soo bandhigeen si uu macluumaad dheeriya uga helaan, waxaana uu ku amaanay kuna bogaadiyay shaqada baaxada leh ee ay bulshada u hayaan, waxaana uu kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan.
Warbixinnada hoggaanka cusub ee wasaraddu ay wadeen ilaa markii ay xilka la wareegeen waxay ku saabsanayd sidii ay xog dhamaystiran uga heli lahayeen wasaaaradda loona diyaariyo qorshaha 5-sano ee soo socota.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.