Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Blog

Maalinta Caalamiga ah ee Duumada adduunka ayaa Garoowe lagu qabtay, taasoo sannadkiiba hal mar laga xuso adduunka oo dhan

Munaasabada lagu qabtay lagu xusayey maalinta Duumada oo bulshada lagaga wacyi galiyey halista Cudurka iyo waxa laga qabtay xakamayntiisa Waxaa ka qayb galay, Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Puntland Siciid Jamac Qorsheel, Wasiirka Wasaarada Cadaalada Maxamed Cabdiwahaab Axmed, Gudoomiyaha Gudiga dhaqqalaha barlamaanka Puntland Xasan Majabe iyo Madaxa Caafimaadka Hay’adda UNICEF Millhia kader iyo xubno kale.

(more…)

Waxaa si ramsi ah loo soo xidhay Shirweynaha Maalgashiga Caafimaadka Puntland 2025 oo ay qabatay Wasaaradda Caafimaadka Puntland, shirka oo socday muddo labo maalmood ah 21 iyo 22-ka bisha afraad waxaa ka soo baxay warmurtiyeedkan:

WAR-SAXAAFADEED

Xoojinta Maalgelinta Caafimaadka Waara ee Puntland

Waxaa la soo saaray kaddib Wadatashigii Heerka Sare ee Maalgelinta Caafimaadka Gudaha | Garoowe, Puntland | Taariikhda: Abriil 21–22, 2025

(more…)

Waxaa maanta magaalada Garoowe soo gaaray laguna Prof khaliif Bille oo kamid ah khuburada dalka dibadiisa ka yimid kana qaybgalaya kuna casuuman shirweynaha Maalgashiga Puntland.

Waxaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ku soo dhoweeyey agaasimaha caafiamadka asaasiga ah Mudane Cabdirsaaq abshir Xirsi, Cali Faarax madaxa hay’adda PDRC, Madaxa Maareynta iyo Maamulka Xogta Caafimaadka Puntland Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cartan, Niciimo Nuur madaxa qaybta Nadaafada iyo faya- dhawrka (Wash) iyo Salma Osmaan xiriiriyaha mashruuca Marwo caafimaad ee wasaaradda caafimaadka.

(more…)

Wasiirka wasaaraadda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa hay’adda Population Serevices International (PSI) oo maamusha mashruuca damal caafimaadka oo Bangiga Adduunku maalgaliyo oo ka socda Gobolka Nugaal (World Bank) kala wareegay laba gaari oo nooca Hilux ah.

Munaasibada wareejinta waxaa wasiirka ku wehelinayay lataliyaha madaxweynaha caafimaadka Puntland Dr Abdirahmaan Siciid Gacamey, waxaana ku wareejiyay mudane Abdiqani Xirsi madaxa hay’adda PSI.

(more…)

Wasiirka wasaarada caafimaad dowlada Puntland mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa kormeeray qaar ka mid ah xarumaha caafimaadka degmada Dangoroyo ee Gobolka Nugaal sida Cisbitaalka degmada iyo Xarunta Caafimaadka Xaaji-khayr

Dongoroyo, March, 23, 2025: Wasiirka wasaarada caafimaad dawlada Puntland mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa kormeeray qaar ka mid ah xarumaha caafimaadka degmada Dangoroyo ee Gobolka Nugaal sida Cisbitaalka degmada iyo Xarunta Caafimaadka Xaaji-khayr.

(more…)