Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Blog

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qorsheel, ayaa caawa ka qeybgalay kulan muhiim ah oo u dhexeeyay Dowladda Puntland iyo bulshada rayidka ah. Kulankan oo ay sidoo kale ka soo qaybgaleen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa diiradda lagu saaray isla-xisaabtan iyo warbixinta waxqabadka Dowladda.

Intii uu kulanku socday, bulshada kasoo qayb gashay ayaa si toos ah su’aalo ugu jeediyay xubnaha Xukuumadda, iyadoo lagu falanqeeyay waxqabadkii la taaban karo ee ay Dowladda Puntland qabatay mudadii u dambeysay.

(more…)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel, ayaa maanta xarunta wasaaradda ku soo dhoweeyey Xildhibaan Samakaab Xuseen, oo ka tirsan Golaha Wakiillada Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Xildhibaanka waxaa booqashada ku wehlinayay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Mudane Abdifataax Mohamed Abdinuur, iyo xubno ka tirsan xafiiska Madaxtooyada.

Intii uu socday kulanka, Wasiir Qorsheel ayaa uga mahadceliyay xildhibaanka booqashadiisa, isagoo la wadaagay warbixin ku saabsan shaqada wasaaradda, horumarka la gaaray, qorshayaasha mustaqbalka, iyo caqabadaha jira. Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay kaalinta muhiimka ah ee ay jaaliyadda Minnesota ka qaadatay taageerada ciidanka difaaca Puntland ee la dagaalamaya kooxda Daacish.

(more…)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Hon. Siciid Jaamac Qorsheel, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socdey hay’adda Médecins Sans Frontières (MSF), kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta iyo horumarinta adeegyada caafimaad ee gobolka Mudug.

Kulankan ayaa waxaa Wasiirka ku wehelinayay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda, Hon. Axmed Shiikh Faarax, iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha wasaaradda. Wasiirka iyo wakiillada MSF ayaa si qoto dheer uga wada hadlay qorshaha sii wadista mashruuca ay MSF ka waddo gobolka Mudug, gaar ahaan Isbitaalka weyn ee Galkacyo.

(more…)

Wefdiga ka socda Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud Dr. Maxamed Maxamuud iyo Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cartan, oo ah Madaxa Maareynta iyo Maamulka Xogta Caafimaadka Puntland, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay madaxda sare ee hay’adda Save the Children Sweden oo fadhigoodu yahay magaalada Stockholm.

Madaxda hay’adda Save the Children Sweden ee weftiga ka socday wasaaradda caafimaadka qaabilay waxaa ka mid ahaa:

(more…)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qorsheel, ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay wafti sare oo ka socday Hay’adda Laanqayrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC).

Kulankan ayaa waxaa Wasiirka ku wehelinayay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda, Mudane Axmed Shiikh Faarax, iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha wasaaradda. Ujeeddada kulanka ayaa ahayd xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga ka dhexeeya Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo hay’adda ICRC, si loo dardar-geliyo dadaallada horumarinta adeegyada caafimaad ee ka socda guud ahaan deegaannada Puntland.

(more…)

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta Garoowe ku qabatay Shirka Lix bilood laha ah ee dib u eegista xogta Saadka iyo Agabka caafimaadka (PSM) Puntland

Agaasimaha Adeegga caafimaadka asaasiga ah Mudane Cabdirisaaq Abshir Xirsi iyo madaxa Maareynta iyo Maamulka Iyo Agabka Daawada Ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Mudane Abdifatah Maxamuud Mohamed (Muufo), waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay FaaisaCabdirashiid oo ka socotay hay’adda UNICEF.

(more…)

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Mudane Axmed Sheekh Faarax, ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay wefdi sare oo ka socday safaaradda Switzerland iyo hay’adda Save the Children. Kulankan waxaa sidoo kale ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Dr. Maxamed Maxamuud Xiddig, iyo qaar kamid ah agaasimeyaasha iyo madax-qaybeedyada wasaaradda.

Kulanka ayaa lagu lafaguray horumarka iyo qorshaha mustaqbalka ee mashruuca CHASP, oo ka socda gobollada Bari iyo Rasuul-Casayr, una dhexeeya Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo hay’adda Save the Children, iyadoo ay maalgelinayaan dowladaha Sweden iyo Switzerland. Ujeedada mashruucan ayaa ah in la xoojiyo adeegyada caafimaadka ee aasaasiga ah, iyadoo qorshuhu yahay in si tartiib ah loogu wareejiyo dowladda Puntland, maadaama taageerada caalamiga ah ay hoos u sii dhacayso.

(more…)

Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Garoowe looga daahfuray Ololaha Tallaalka Isku Dhafka ah ee Jadeecada, Dabaysha (Polio) iyo Oof-wareenka (PCV), kaasoo ka dhacaya dhammaan gobollada Puntland laga bilaabo 24-ka ilaa 28-da Maajo 2025.

Munaasabadda daahfurka waxaa si rasmi ah u furay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, ahna kusimaha Madaxweynaha, Mudane Ilyaas Osmaan Lugatoor,Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Mudane Siciid Jaamac Qorsheel, waxaana ka qaybgalay Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Madaxtooyada, Wasiir ku-xigeenka Haweenka, iyo Xildhibaan Cabdiaziz Cali Dhahar oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Puntland.

(more…)