Alle ha Unaxariistee Cabdi Axmed Yuusuf (Cabdi Farasle) oo ka mid ahaa darawalada wadey gaadiidka ka shaqaynayey Doorashada qof iyo cod ee degmada garoowe ayaa Geeriyooday, marxuumka ayaa wadey kormeerayaasha Guddiga Doorashooyinka Puntland, tii Alle ayaa u timid xili uu safar ku ahaa deegaanka Kalabayr.
Blog
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo wasiir dowlaha Mudane Axmed Shiikh Faarax ayaa maanta ka qaybgalay daahfurka doorashada saddexda Degmo ee Dongoroyo, Godobjiraan iyo Garoowe oo saaka laga daahfuray Martisoor.
23-July-2024:- Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo wasiir dowlaha Mudane Axmed Shiikh Faarax ayaa maanta ka qaybgalay daahfurka doorashada saddexda Degmo ee Dongoroyo, Godobjiraan iyo Garoowe oo saaka laga daahfuray Martisoor.
Kooxaha caafimaadka ee ku sugan goobaha doorashooyinka oo gurmad caafimaad u fidinaya bukaano ku xanuusaday goobaha ay ka codaynayeen codbixintu
Kooxaha caafimaadka ee ku sugan goobaha doorashooyinka oo gurmad caafimaad u fidinaya bukaano ku xanuusaday goobaha ay ka codaynayeen codbixintu.
Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta goobaha codbixinta saddexda degmo ee Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan u kala dirtay gaadiidka gargaarka degdegga iyo shaqaalaha Caafimaadka
22-July-2024:-Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta goobaha codbixinta saddexda degmo ee Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan u kala dirtay gaadiidka gargaarka degdegga ah iyo shaqaalaha Caafimaadka yo iyo Xirfadlayaal Caafimaad ee Hay’ada Bisha Cas maalinka doorashada 23-ka Luulyo 2024.
Waxaa maanta booqasho ku yimid xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland wefti balaaran oo ka socday hay’adda Qaramada midoobey u qaabilsan Caafimaadka Adduunka ee WHO
22-July-2024:- Waxaa maanta booqasho ku yimid xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland wefti balaaran oo ka socday hay’adda Qaramada midoobey u qaabilsan Caafimaadka Adduunka ee WHO
Weftiga waxaa hogaaminaysey Wakiil Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ee Soomaaliya Dr Renee Van de Weerdt iyo Ku xigeenkeeda Dr Maxamed Cali Kami oo ay wehliyaan xubno sarsare oo ka socday soomaaliya iyo Puntland.
Waxaa maanta ka furmay wasaaradda caafimaadka DPL Shirka Dib-u-eegista 6dii bilood (Janaayo-Juun 2024) Waxqabadka Xarumaha Caafimaadka ee Gobolka Nugaal, shirka oo soconaya laba maalmood kaasoo qayb ka ah Mashruuca Damal Caafimaad ee ay hirgeliso Hay’dda PSI,
Garowe, July 17, 2024: Waxaa maanta ka furmay wasaaradda caafimaadka DPL Shirka Dib-u-eegista 6dii bilood (Janaayo-Juun 2024) Waxqabadka Xarumaha Caafimaadka ee Gobolka Nugaal, shirka oo socondoona laba maalmood waxaa ka qaybgeleya 73 xarumood oo gobolka Nugaal ah kuwaas oo uu taageero mashruuca Damal caafimaad oo ay hirgaliso Hay’dda PSI. Xarumahan oo iskugu jira
Wasiir-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka ahna ku simaha wasiirka wasaaradda DPL Mudane Axmed Shiikh Faarax iyo Wasiirka wasaaradda haweenka Marwo Maryan Axmed Cali ayaa maanta Garoowe ku soo xiray tababarka gabdhaha marwo caafimaadka
Garowe: 04-July-2024:- Wasiir-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka ahna ku simaha wasiirka wasaaradda DPL Mudane Axmed Shiikh Faarax iyo Wasiirka wasaaradda haweenka Marwo Maryan Axmed Cali ayaa maanta Garoowe ku soo xiray tababarka gabdhaha marwo caafimaadka oo soconayey 35 maalmood ayna ka qaybgelayaan ilaa 53 gabdhood oo ka socda gobolka Nugaal.
Wasiiru-Dowlaha wasaaradda caafimaadka DPL Ahna kusimaha wasiirka Mudane Axmed Sheekh Faarax ayaa maanta furay shirka isku dhafka jinsiga ee shaqaalaha caafimaadka oo loo qabtay shaqalaha caafimaadka qayb kamid ah, wuxuuna soconayaa mudo labo maalmood ah.
Garowe, July 02, 2024: Wasiiru-Dowlaha wasaaradda caafimaadka DPL Ahna kusimaha wasiirka Mudane Ahmed Sheekh Farax ayaa maanta furay shirka isku dhafka jinsiga ee shaqaalaha caafimaadka (Integrating Gender For Health Workers) oo loo qabtay shaqaalaha caafimaadka, wuxuuna soconayaa muddo labo maalmood ah.
Mudane Axmed Sheekh Faarax wasiiru-dowlaha wasaaradda caafimaadka Puntland oo shirka furay ayaa yiri:-
Wasiiru-Dowlaha wasaaradda caafimaadka DPL Ahna kusimaha wasiirka Mudane Axmed Sheekh Faarax ayaa maanta xarunta dhexe ee wasaaradda ka furay shirka dib u eegista iyo wada shaqaynta maamulka daawada iyo saadka ee dowladda iyo hayaadaha calaamiga ah
Garowe, July 02, 2024:Wasiiru-Dowlaha wasaaradda caafimaadka DPL Ahna kusimaha wasiirka Mudane Axmed Sheekh Faarax ayaa maanta xarunta dhexe ee wasaaradda ka furay shirka dib u eegista iyo wada shaqaynta maamulka daawada iyo saadka ee dowladda iyo hayaadaha calaamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba. Shirkan oo socon doona laba maalmood.
Madaxa qaybta daawada Mudane Sharmaarke Cabdiraxmaan Jaama oo shirka furitaanka ka hadlay ayaa yiri:-
Wasiiru-Dowlaha wasaaradda caafimaadka DPL Mudane Axmed Sheekh Faarax ayaa hay’adda PSI galabta kala wareegay agab caafimaad oo isugu jira daawo, qalab sheybaar, iyo agabka lagu isticmaalo xarumaha caafimaadka
Garowe July,01,2024:- Wasiiru-Dowlaha wasaaradda caafimaadka DPL Mudane Axmed Sheekh Faarax ayaa hay’adda PSI galabta kala wareegay agab caafimaad oo isugu jira daawo, qalab sheybaar, iyo agabka lagu isticmaalo xarumaha caafimaadka. Qalabka ayaa qayb ka ah mashruuca Caafimaadka ee Damal Caafimaad iyo Marwo Caafimaad.
Cabdiqani Xirsi madaxa hay’adda PSI Puntland iyo Cabdirahmaan Ibraahim madaxa saadka hay’adda PSI ayaa agabka ku wareejiyey wasiiru dowlaha wasaaradda oo u weheliyo isuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Nugaal Maxamed Jaamac Qorile.