Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wefti ka socda Hay’adda WHO oo maanta Booqasho ku yimid wasaaradda caafmaadka

30 Sep

Wefti ka socda Hay’adda WHO oo maanta Booqasho ku yimid wasaaradda caafmaadka

Wefti ka socda Hay’adda WHO oo maanta Booqasho ku yimid wasaaradda caafmaadka.
29-09-2021:- Waxaa booqasho gaaban ku yimid xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland wefti balaaran oo ka socday hay’adda Qaramada midoobey u qaabilsan Caafimaadka Adduunka ee WHO.
Wefdigan oo uu hoggaaminayey Dr.Asmus Hammerich, Agaasimaha Cudurada aan la isu gudbin iyo Caafimaadka Dhimirka ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka Xafiiskeeda Qaahira
Weftigaan ayaa booqashadooda la xiriirtay siddii dib loogu qiimayn lahaa sida looga jawaabay caabuqa Covid-19 iyo sida ugu haboon ee loo sii xoojin karo dadaalllada ka dhanka ah caabuqa COVID-19.
Shir ka dhacay hoolka wasaaradda ayna ka soo qaybgaleen wasiirka wasaaradda, wasiir kuxigeenka, agaasimaha guud iyo qaar kamid ah agaasima waaxeedyada wasaaradda, shirka oo waqti dheer qaatay ayaa wasaaraddu ku soo bandhigtay warbixin la xiriirta guulaha laga gaaray, caqabadaha jira iyo shaqada wasaarddu ka qabatay dhanka wacyigelinta furida xarumaha lagu karantiilo dadka xanuunka laga helo iyo sidoo kale furitaanka ilaa 4 shaybaar oo lagu baaro xanuunka kuna kala yaala qaar kamid ah gobollada Puntland. Waxaa markii hore hadalka qaatay agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan oo isaga ku hadalaya magaca wasaaradda soo dhoweeyey weftiga isla markaana waxaa laga hadlay xanuunka Covid-19 ee Puntland kaas oo aad loogu dheeraaday. Warbininadii lakala qaatay kadib waxaa isna hadal kooban shirka ka jeediyey Wasiirka wasaaradda Dr Jaamac Faarax Xasan oo yiri:- “ Waxaan idinku soo dhawaynayaa wasaaradda caafimaadka Puntland waxaan ku faraxsanahay inaan maanta kulankaan wada qaadano idinka oo ka socda hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, waxaan si kooban rabaa inaan idinla wadaago shaqada adag ee aan ka qabanay la tacaalida xanuunka iyo caqabadaha na qabsaday bilawgii xanuunka dalka marka uu soo gaaray gaar ahaan Puntland sannadkii la soo dhaafay ee 2020. Ilaahay mahadiis waxaan ku guulaysanay inaan wacyigelin samayno, inaan dhammaan deegaamada Puntland ka furno xarumaha lagula tacaalayo bukaanka iyo sidoo kale waxaan hirgalinay shaybaar lagu baaro xanuunka anaga oo kaashanayna Saaxiibadeena caalamiga ah, waxaase ugu weynaa caqabada na qabsatay Oxygenka oo wali aan isleeyahay si dhamaystiran oo qofkasta oo xanuunka laga helo aan loo wada heli karin laakiin siddii hore ay aad uga fiicanahay.”
Madaxda WHO oo intii kulankan socdey ka mahad celiyay soo dhoweynta loo sameeyay ayaa tilmaameen in ujeedka safarkoodu yahay qiimeynta howlaha socda iyo in laga jawaabo dhamaanba gaabisyada jira ee u baahan in la iska kaashado dhammeystirkooda, iyagoo si gaar ah u bogaadiyay hannaanka wacyigelinta iyo heerka qaadashada tallaalka COVID19 ee Puntland oo ay xuseen in juhdiga lagu bixiyay yahay mid muuqda.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.