Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Waxaa maanta wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland lagu qabtay ๐Œ๐ฎ๐ง๐š๐š๐ฌ๐š๐›๐š๐๐๐š ๐€๐ฌ๐›๐ฎ๐ฎ๐œ๐š ๐๐š๐š๐ฌ-๐ง๐ฎ๐ฎ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐€๐d๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ sanadkasta bishan ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐ž ๐ฅ๐š๐ ๐š ๐ฑ๐ฎ๐ฌ๐จ ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ง.

14 Aug

Waxaa maanta wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland lagu qabtay ๐Œ๐ฎ๐ง๐š๐š๐ฌ๐š๐›๐š๐๐๐š ๐€๐ฌ๐›๐ฎ๐ฎ๐œ๐š ๐๐š๐š๐ฌ-๐ง๐ฎ๐ฎ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐€๐d๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ sanadkasta bishan ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐ž ๐ฅ๐š๐ ๐š ๐ฑ๐ฎ๐ฌ๐จ ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ง.

Waxaa maanta wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland lagu qabtay ๐Œ๐ฎ๐ง๐š๐š๐ฌ๐š๐›๐š๐๐๐š ๐€๐ฌ๐›๐ฎ๐ฎ๐œ๐š ๐๐š๐š๐ฌ-๐ง๐ฎ๐ฎ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐€๐d๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ sanadkasta bishan ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐ž ๐ฅ๐š๐ ๐š ๐ฑ๐ฎ๐ฌ๐จ ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ง.

Munaasabaddan oo ka dhacday xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka waxaa goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xassan, wasiirka wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska Dr Naciimo Cabdirahmaan Guuleed, agaasimaha waaxda caafimaadka asaasiga ah, xubno sare oo ka socday Hay’addaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka, Dhakhaatiir, bahda Caafimaadka, iyo marti sharaf kale.
Munaasabadda Xuska todobaadka ayaa ujeedadeedu tahay in hooyooyinka lagu dhiirigelliyo in ay nuujiyaan dhallaankooda si barax tiran 6da bilood ee ugu horeeya lana gaarsiiyo labo sano si kor loogu qaado difaacooda jirka, naaska hooyada waxa Kujira nafaqo dhameystiran oo ilmuhu ubaahanyahay ilaa uu ka gaarayo 6 da bilood ee ugu horeysa Naaska hooyada waxa uu sidoo kale kordhiyaa Garadka caruurta kaas oo ka dhiga ilmaha mid Caqli badan Maskax iyo jir ahaanna u fiyoow, Wuxuu kaloo ka hortaga xanuunada caabuqa ee ku dhaca Neef mareenka Cunaha iyo Dhagaha.
Agaasimaha caafimaadka asaasiga ah Mudane Abdirisaaq Abshir Xirsi oo ugu horayn ka hadlay munaasibada ayaa xusay muhiimada naasnuujintu uleedahay ilmaha
“Waxaan todobaadkaan loogu talagalay in lagu dhiiragelliyo Naas-nuujinta Caruurta, sida diinteena islaamka ina farayso, aduunku waqti danbe ayuu ku soo baraarugay muhiimada naasnuujintu uleedahay ilmaha, balse inaga kitaabka quraanka ah ayaa allaha ku sheegay in ilmaha la nuujiyo labada sano ee ugu horeeya,waxaan ku baaqayaa in fasaxyo ay hellaan Hooyooyinka xilliga shaqada maadaama Naas-nuujintu tahay mid aad muhiim u ah”
Edith Kabui Madaxa hayโ€™ada UNICEF Puntland oo munaasibada hadal ka jeedisay ayaa tiri:-
โ€œ Waxaan soo dhawaynayaa qabsoomada munaasibada muhiimka ah ee lagu xusayo todobaadka Naasnuujinta Aduunka, waxaan soo jeedinaya in kor loo qaado wacyigalinta la siinayo hooyooyinka sidoo kale la dhiirigaliyo kuwa ku guulaysta inay ilmahooda udhamaystiraan nuujinta 6da bilood ee ugu horaysa iyo kuwa gaarsiiya ila 2 sano, waxaan ku baaqayaa in si wada jir ah aan ugu shaqeynyo Sharciyada iyo Xeerarka xoojinaya Naas-nuujintaโ€
“Waxaan ku boorinayaa Wasaaradda Caafimaadka iyo wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha in ay kawada shaqeeyaan wacyi gellinta Naas-nuujinta gaar ahaan goobta shaqada si hooyadu u hesho fasaxa shaqo iyo waxyaabaha kale ee kaalmaynaya sidii ay naaska ilmaha u nuujin lahaydโ€
Dr Niciimo Abdirahmaan Guuleed Wasiirka Haweenka arimaha qoyska Puntland oo munaasibada hadal ka jeedisay ayaa tiri:
โ€œ Waxaan ku faraxsanahay inaan ka soo qaybgalo munaasibada muhiimka ah, taasoo lagu xusayo todobaadka naasnuujinya Ilmaha, ilmaha naaska loo dhigo waa ka caafimaad badanyahay waana ka koriin fiicanyahay ilmaha aan naaska la siin, hadaba waxaa muhiim ah in kor loo qaado nuujinta caruurta, sidoo kalena hooyada nuujinaysa la siiyo fasax iyadoo mushahaarkeeda qaadanaysa.
โ€œ Waxaan soo jeedinayaa In lala dagaalamo ka dawlad ahaana ma ogolin xayaysiinta beenta ah ee caanaha daasadaha ku jira taasoo caafimaad ahaan uxun ilmaha, tayadooda aan la aqoon iyo waxa ay ka samaysanyihiin.โ€
Dr Jamac Farax Xassan Wasiirka wasaaradda caafimaadka dawlada Puntland oo munaasibada ka hadlay ayaa yiri:-
โ€œ Waxaan maanta uwada joognaa sidii aan u dhiirigalin lahayn naasnuujinta ilmaha, waxa ay qayb weyn ka qaadataa koriimada iyo maskaxda ilmaha marka uu naaska nuugo ilaa labo sano, waxaa la rabaa inaan horumarino ugana 38% Puntland, waxaa la rabaa in wacyigalinta la badiyo.โ€
โ€œ Waxaa waajib ah in hooyadu hesho fasaxa dhalmada inta loogu talagalay, hadhow marka ay soo dhamaysatana hesho saacado ay ilmaha u soo nuujiso si loo helo ilmo caafimaad ku kora, Xayaysiin ta faraha badan ee ganacsiga ku salaysan siyaasada wasaaradda waxaa ku cad inaan xarumaha caafimaadka lagu xayaysiin karin caanaha daasadaha, wasaraadda caafimaadka iyo mida warfaafinta waxay dhawaan ka wada shaqayn doonaan siyaasada lagu xakamaynayo xayaysiinta loo sameeyo waxyaabaha khatarta ku keeni kara caafimaadka dhalaankeena.โ€
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.