Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Mudane Siciid Jamac Qorsheel oo ay weheliyaan Wasiiru dowlaha Madane Axmed Shiikh Faarax iyo agaasimaha ayaa maanta kulan la qaatay shaqaalaha xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka.

20 Mar

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Mudane Siciid Jamac Qorsheel oo ay weheliyaan Wasiiru dowlaha Madane Axmed Shiikh Faarax iyo agaasimaha ayaa maanta kulan la qaatay shaqaalaha xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka.

Garoowe: 18 March 2024: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Mudane Siciid Jamac Qorsheel oo ay weheliyaan Wasiiru dowlaha Madane Axmed Shiikh Faarax iyo agaasimaha ayaa maanta kulan la qaatay shaqaalaha xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka.

Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd isbarasho ayaa looga hadlay siddi loo dardar gelin lahaa habsami u socodka shaqada, gaar ahaan dardar gelinta wakhtiga shaqada.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Mudane Maxamed Maxamuud Xiddig ayaa sidoo kale ka hadlay goobta ayaa sheegay mihiimadaa ay leedahay imaanshaha shaqada wakhtigii loogu talagalay loogana bixi lahaa wakhtigii saxda ah.
Wasiirru dowlaha wasaaradda Mudane Axmed Shiikh Faarax Maxamed oo sidoo kale goobta ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan kulano shaqaalaha xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka Puntland, waxaan arkaa shaqaale badan oo muddo ka shaqaynayey caafimaadka aqoon badana u leh shaqada ay hayaan, sidaad ogtihiin dhammaantiin wasaaraddu waxay ka mid tahay kuwa adeega bixiya kuwaada ugu waaweyn Puntland, waxaa la inaga sugayaa inaan sii laba jibaarno shaqadii aan bulshada uhaynay lana sii hormariyo, waan idiinku amaanayaa idiinkana mahadcelinayaynaa inaad xaalado kala duwan ku shaqaysaan si bulshadiina aad uga haqabtirtaan baahiyahooda caafimaad.”
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Siciid Jaamac Qorsheel oo ugu danbayn shirka soo xiray ayaa yiri:-
Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta kulankan muhiimka ah isku aragno kaasoo daaran siddii la isu baran lahaa. Waxaan rabnaa inaan sii laba jibaarno shaqadii aan bulshada u hayney, lana ilaaliyo wakhtiga shaqada, waxaan la kulmi doonaa qaybaha kala duwan kana dhrgeysan doonaa qorshayaashooda iyo haday jiraan caqabado sidii looga gudbi lahaa.

>

DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.