Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka cusub ee wasaradda caafimaadka Mudan Siciid Jaamac oo ay weheliyaan wasiirru dowlaha wasaaradda Mudanae Axmed Sheekh iyo agaasimaha guud ayaa booqday xarumo caafimaad

20 Mar

Wasiirka cusub ee wasaradda caafimaadka Mudan Siciid Jaamac oo ay weheliyaan wasiirru dowlaha wasaaradda Mudanae Axmed Sheekh iyo agaasimaha guud ayaa booqday xarumo caafimaad

Garoowe: 17 March 2024: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo ay weheliyaan wasiirru dowlaha wasaaradda Mudane Axmed Shiikh Faarax Maxamed, agaasimaha guud iyo qaar kamid ah agaasimayaasha waaxyaha ayaa maanta kormeeray xarumaha caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka ee Jawle iyo Jilab (MCH) oo ku yaala kaamka Jawle iyo Jilab ee magaalada Garowe iyo Cisbitaalka guud ee Garowe oo dhismihiisa gebegabo marayo.

Wasiirka ayaa dhamman goobaha uu booqday kula kulmay maamulka iyo shaqaalaha Goobaha cafimaadka, isagoo ka waraystay shaqooyinku qaabkay u socdaan.
Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa sheegay in dhammaan xarumaha caafimaad ee uu maanta booqday ay ka socotey shaqo wanaagsan, waxaana uu kula dardaarmay maamulka iyo shaqaalaha xarumahaas inay sii laba jibaaraan shaqada ay bulshada u hayaan.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.