Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland Dr Jaamac Faarax Xassan ayaa Maanta kormeer shaqo ah ku tegay Xarumaha Caafimaadka sida Cisbitaalka weyn ee Boosaaso.

07 Jun

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland Dr Jaamac Faarax Xassan ayaa Maanta kormeer shaqo ah ku tegay Xarumaha Caafimaadka sida Cisbitaalka weyn ee Boosaaso.

Boosaaso,Jun, 06,2023: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland Dr Jaamac Faarax Xassan oo ay waheliyaan Isuduwaha wasaarada Caafimaadka Gobolka Bari Siciid Maxamed Waraabe iyo Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso ayaa Maanta kormeer shaqo ah ku tegey Xarumaha Caafimaadka sida Cisbitaalka weyn ee Boosaaso.

Halkaas oo uu  kula kulmay Madaxda Cisbitaalka, booqdayna Qeybaha bukaan jiifka oo xiligaas adeeg Caafimaad laga siinayay bukaanada jiifa, sidoo kale waxa uu kormeeray Jaamacada Culuunta Caafimaadka oo xiligaas tababar ugu socday l xirfadlayda Haweenka loo yaqaan Marwo caafimaadka oo ka socday Gobolada Bari, Karkaar, Highland, Gardafuu iyo Sanaag kuwaas oo lagu tababarayey la dagaalanka Xanuunada ka dhasha duumada..
Wasiirka Caafimaadka ayaa sidoo kale booqday xarumaha hooyada iyo dhallaanka ee Mch loo yaqaan si uu u  ogaado daruufaha ay ku shaqeeyaan xirfadlayda caafimaadka hooyooyinka iyo carruurta baahiyaha caafimaad la gaarsiiyo .
 
 
 
 
 
 
 
 
 
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.