Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Dr Jaamac Faarax Xassan ayaa qalab Caafimaad iyo Dawooyin kala wareegey hay’adda Global Health Alliance (GHA) oo ka dhisan Dalka Maraykanka,

14 Aug

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Dr Jaamac Faarax Xassan ayaa qalab Caafimaad iyo Dawooyin kala wareegey hay’adda Global Health Alliance (GHA) oo ka dhisan Dalka Maraykanka,

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Dr Jaamac Faarax Xassan ayaa qalab Caafimaad iyo Dawooyin kala wareegey hay’adda Global Health Alliance (GHA) oo ka dhisan Dalka Maraykanka. Aagabkan caafimaad ayaa  loogu talagalay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Gobolka Nugaal.

Wasiirka caafimaadka oo ka hadlay wareejinta qalbka ayaa yiri:-“ Waxaan ku faraxsanahay inaan halkaan kaga soo qaybgalo xaflad aan kula wareegayno qalab caafimaad iyo dawooyin ay keeneen hay’adda Global Health Alliance (GHA), kuwaasoo loogu talagalay Isbitaalka hooyada iyo dhalaanka Gol-Nugaal. Waxaan uga mahadcelinaya cidkasta oo ka shaqaysan in qalabkaan uu na soo gaaro oo ay ugu horeeyaan jaaliyada gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.“ Qalabkaan ayaa wax weyn ka tari doona shaqada baaxada leh iyo adeega uu isbitaalka bixiyo, waxaana ogahay in wali wax weyn ay uu ka dhimanyahay isbitaalka aana rajaynayo inaad sii wadi doontaan taageeradiina, sida aad ogtihiin isbitaalka waxa uu ahaa mid iskutashi lagu dhisay wax weyna ku soo kordhiyay xaafada uu magaalada kaga yaalo.”
“Ugu danbeyn waxaan maamulka Isbitaalka kula dardaarmayaa inay ilaa shadaan qalabka sida ugu wanagsana uga faa’iidaystaan.”
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.