Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Caafimaadka oo kormeeray xarumaha caafimaadka ee Degmada EYL.

23 Jan

Wasiirka Caafimaadka oo kormeeray xarumaha caafimaadka ee Degmada EYL.

Wasiirka Caafimaadka oo kormeeray xarumaha caafimaadka ee Degmada EYL.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Farax Jamac Xasan oo uu weheliyo gobolka Nugaal iyo masuuliyiin ka socda wasaaradda oo safar shaqo ku maraya gobolka Nugaal ayaa maanta kormeeray cisbitaalka degmada EYL iyo xarunta hooyada iyo dhallaanka ee xaafada Badey.

Waftiga wasiirka ayaa xarumaha ay booqdeen kula kulmay masuuliyiinta xarumaha iyo xirfadlayaasha caafimaad ee ka shaqeeya, wasiirka waxa uu bogaadiyay shaqada socota iyo adeega bulshada degmada ku nool loo fuliyo.
Wasiirka ayaa kormeerka kadib wuxuu kulan la qaatay maamulka cisbitaalka oo uu ka dhageystey sida loogu shaqeeyo iyo baahiyaha ka jira.
Wasiirka ayaa baahiyaha lala wadaagay qaarkoodna dhakhso wax uga qabtay qaarka kalena sheegay inuu waqtiga ugu dhaw wax uga qaban doono.