Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland Dr Jaamac Faarax ayaa maanta kulan la qaatay wefti ka socdey Hay’adda Caafimaadka Adduunka.

21 Sep

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland Dr Jaamac Faarax ayaa maanta kulan la qaatay wefti ka socdey Hay’adda Caafimaadka Adduunka.

Isniin, Maarso, 18, 2019 : Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan oo ay wehliyaan masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda ayaa maanta ku soo dhoweeyey xarunta wasaaradda Caafimaadka ee Magaalada Garoowe wefdi balaaran oo ka socday hay’adda caafimaadka adduunka ee loo soo gaabiyo WHO.

Weftiga oo uu hogaaminayey Dr Maalik oo ah ergiyga cusub ee hay’adda u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa kulan gaar ah ay wasiirka kula yeesheen xafiiskiisa.
Kualanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta u dhaxaysa wasaaradda caafimaadka iyo hay’adda WHO.