Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka waxaa maanta ka bilawday tababar looga hadlayo Cudurka malaariyada.

21 Sep

Wasaaradda Caafimaadka waxaa maanta ka bilawday tababar looga hadlayo Cudurka malaariyada.

Wasaaradda Caafimaadka waxaa maanta ka bilawday tababar looga hadlayo Cudurka malaariyada. Furitaanka Tababarkaan waxaa ka qayb galay agaasimayaasha wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo Hay’ada Unicef. Tababarka waxaa Furay Agaasimaha waaxda Caafimaadka asaasiga ah Ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdirisaaq Abshir Xirsi,waxaa isna tababarka kalmad ka jeediyay, uqaabilsanaha cudurka malaariyada hay’adda Unicef Puntland Dr Cali Zasan Maxamed. Tababarkaan oo socon doona muddo 5 maalmood ah waxaa ka qaybgalaya Shaqaalaha ka shaqeeya xarumaha fog ee lagu bixiyo adeegga caafimaad ee asaasiga ah.

Inta uu tababarku socdo waxaa lagu baran doonaa baarista ka hortaga iyo daweynta cudurka Malaariyada iyo Maaraynta Xogta Caafimaadka. Shaqaalaha ka qaybgalaya ayaa ka socda 33 xarumood oo ku kala yaala dhamnaan gobollada Puntland.

Xafiiska warfaafinta wasaaradda caafimaadka Puntland.