Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta qalab kala wareegtay Hay’adda World Vision.

08 Jun

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta qalab kala wareegtay Hay’adda World Vision.

04,06,2020:Wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland ayaa maanta hay’adda World Vision kala wareegtay qalab loogu talagalay ka hortaga cudurka safmarka ah Covid19.

Agaasimaha guud wasaaradda Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan oo ay weheliyaan qaar kamid ah agaasimayaasha waaxyaha ayaa kala wareegay qalabka, waxaana agaasimaha uu uga mahadceliyay hay’adda World Vision qalabkaan loo baahnaa ee ay maanta ukeeneen.

Qalabka maanta la wareejiyay ayaa ka kooban Gloves Mask, Faceshields iyo qalabka nadaafada xarumaha baaritaanka iyo karantiilka, qalabkaan ayaa loogu talagalay in looga faa’iidaysto sidii xanuunka la iskaga ilaalin lahaa.

Dhammaad-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.