Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta lagu qabtay Tababar ka tababarayaasha maaraynta iyo maamulida xogta iyo daawada caafimaadka Soomaaliya.

23 Dec

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta lagu qabtay Tababar ka tababarayaasha maaraynta iyo maamulida xogta iyo daawada caafimaadka Soomaaliya.

23,Dec,2020:- Wasaaradda caafimaadka Puntland waxaa maanta maantay laga daahfuray tababar ka tabarayaasha, tababarkaas oo socon doono mudo dhan 5 cisho.
Waxaana ka soo qayb galay wasaaradda caafimaadka federaalka iyo dawlada xubnaha ka ah dawlada Federaalka iyo gobolka Banaarir.

Tababarkaan ayaa u jeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa maaraynta iyo maamulida xogta iyo dawada caafimaadka Soomaliya.
Waxaa bilowga tababarkaas ka hadlay madaxa maaraynta iyo maamulida xogta caafimaadka Puntland mudane Abdirisak Artan waxa uu ugu horayn ku soo dhaweeyay masuuliyiinta dawlada dhexe iyo maamulada ka socda ee ka soo qaybgalay tababarkaan waxaana uu xusay in muhiim uyahay soomaliya.
Cartan waxa uu sidoo kale xusay in marka aad mamuladii iyo gobaladii aad ka timaadeen ku noqotaan la idinka rajaynayo inaad tababarayaal noqotaan si kor loogu qaado shaqaalaha ka shaqeeya aruurinta xogta iyo maarayntooda.
Buraale oo ka socday Hay’adda WHO oo tababarkaan ka caawinaysay wasaaradda qabsoomidiisa ayaa dhankiisa soo dhaweeyay qabsoomida tababarkaan ayna ku faraxsanyihiin inay qayb ka noqdaan.
Hassan Ahmed madaxa maarayna iyo maamulida xogta caafimaadka dawlada Federaalka oo ka hadlay furitaanka tababarkaan ayaa dhankiisa soo dhaweeyey sidoo kale uga mahadceliyay wasaaradda caafimaadka Puntland sida ay uga la shaqaysay qabsoomidiisa, sidoo kalena maalmaha soo socda ee tababarka socdo uu ka rajaynayo in laga faa’iidaysto markii deegaanada lagu noqdo ay shaqada ka muuqato.
Agaasimaha waaxda qorshaynta Dr Mohamuud Mohamed Xidig oo ka hadlay ayaa ugu horayn masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka federaalka uga mahadceliyay in tababarkaan dalka muhiimada gaarka ah ugu fadhiya halkaan uu ka dhaco.
Agaasimaha ayaa xusay in tababarkaan waayo waxa dalka waxyaabaha laga qabanayo dhanka caafimaadka ay tahay meesha laga tixraacayo.
Wasiir kuxigeenka wasaaradda caafimaadka Mudane Abdinaasir Yuusuf Xaaji oo tababarka si rasmi ah u furay ayaa waxa uu ka soo qaybgalayaasha xasuusiyay muhiimada tababarkaan leeyahay maalmaha uu soconaya la ilaaliyo waqtiga looga faa’iidaysto sida ugu wangsan.
Wasiir kuxigeenka ayaa kula dardaarmay in tababarkaan uusan noqon kaliya mid la qabtay balse shaqadiina ay ka muuqato.
Dhammaad-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADACAAFIMAADKA DOWLADDA