Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta baaritaan iyo hubin ku samaysay dadka dib uga soo laabtay Dalka Hindia.

21 Jun

20, June, 2020: Wasaaradda caafimaadka dawlada Puntland ayaa maanta garoonka diyaaraddaha Gen.Mohamed Abshir hubin ugu sameeysay dad ka yimi India oo dib ugu soo gurya noqday dalka lana socday diyaarada Daallo.

Wasaarada ayaa ka hubinaysay dadka inay wataan warqada cadaynaysa in laga soo baaray lagana waayey safmareenka Covid19, dhamaan rakaabka diyaarada saaranna waxay u socdeen Puntland waxayna muddo ku xanibnaayen dalka India.

Wasaaradu waxay dadaal ugu jirtaa xakamaynta xanuunka safmareenka Covid-19 waxaan hogaanka wasaarada ka go’an in ay qaadaan talaabo walba oo lagu xaqiijinayo bad-qabka bulshada reer Puntland.

Dhamaad-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND