Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda caafimaadka Puntland iyo qaar kamid ah Maamullada degmooyinka Puntland oo ka wada hadlay sidii caafimaadka loogu daadejin lahaa heer Degmo.

07 Sep

Wasaaradda caafimaadka Puntland iyo qaar kamid ah Maamullada degmooyinka Puntland oo ka wada hadlay sidii caafimaadka loogu daadejin lahaa heer Degmo.

Wasaaradda caafimaadka Puntland iyo qaar kamid ah Maamullada degmooyinka Puntland oo ka wada hadlay sidii caafimaadka loogu daadejin lahaa heer Degmo.
05-09-2021:- Waxaa maanta ka dhacay wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland shir ay isku yimaadeen wasaaraddaha caafimaadka iyo arimaha gudaha sidoo kale waxaa ka soo qayb galay saraakiil ka socotay xafiiska hormuudka arrimaha maamul baahinta Puntland oo ka mida xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka, waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay qaar kamid ah guddoomiyaasha degmooyinka qaadkood.
Shirka ayaa looga wada hadlay sidii hawlaha caafimaadka asaasiga ah qaarkood loogu wareejin lahaa degmooyinka taasoo qaar kamid ah degmooyinka horay wasaaraddu ugu wareejisay kuwa dhimana gacanta lagu hayo wareejintooda.
Shirka inta uu socday ayaa lagu lafa-guray sidii caqabadaha jira looga gudbi lahaa ugu danbeyna waqtiga ugu dhaw lagu wareejin lahaa dowladdaha hoose maamulida caafimaadka ee degmooyinka.
Agaasimaha Guud Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan oo shirka ka hadlay ayaa yiri:-
“Waxaan soo dhoweynayaa kulankaan inaan wada qaadano innaga oo ka wada arinsanayna siddii loogu daadajin lahaa gaar ahaan caafimaadka oo qorshaheeda mudo wasaaraddu soo wadey qaar ka mid ah degmooyinkana laguba wareejiyay kuwa dhimana aan qorshaynayno inaan sida ugu dhow ugu wareejino, waxaa sidoo kale wasaaraddu yeelan doontaa korjoogteyn iyo la socosho si aanay hoos ugu dhicin shaqadii socotey.”
Qaar kamid ah guddoomiyaasha ka soo qaybgalay shirka ayaa dhankooda soo dhoweeyey maamul baahinta la samaynayo gaar ahaan caafimaadka waxaana ay ka hadleen caqabadaha jira iyo sidii si wada jira laysaga kaashan lahaa wasaaradda iyo degmooyinkuba.

 

 

 



 

 

DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND