Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo MSF oo Heshiis Saddex Sano ah kala saxiiday.

07 Jun

Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo MSF oo Heshiis Saddex Sano ah kala saxiiday.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo MSF oo Heshiis Saddex Sano ah kala saxiiday

May, 31,2023: Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland iyo Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudaha lahayn ee MSF ayaa maanta kala saxiixday heshiis Saddex sano ah.
Hay’adda MSF oo saddexdii sano oo la soo dhaafay la shaqaynaysay wasaaradda gacantana ku haysey cisbitaalka guud ee magaalada Galkacyo, sidoo kale hada si xaalada degdeg ah uga shaqaynaysey cisbitaalka degmada Kalabaydh ee gobolka Sool.
Kadib shir ay wasiirka wasaaradda Dr Jaamac Faarax Xasan oo ay wehelinayeen agaasimaha guud Dr Maxamed Maxamuud Xiddig iyo agaasimaha caafimaadka asaasiga ah, waxaa lagu heshiiyay in la cusboonaysiiyo heshiiskii saddexda sano ee soo socota.
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr Jaamac Faarax Xasan oo heshiiska kaddib hadal kooban ka jeediyey ayaa u mahadceliyey MSF iyo la shaqaynta ay la leedahay wasaaradda,waxaa sidoo kale oo uu soo dhoweeyey heshiiska cusub ee saddexda sano ah.
Madaxa Hay’adda MSF Soomaaliya oo dhankiisa saxiixay heshiiska ayaa soo dhoweeyey wada shaqaynta ka dhaxaysa MSF iyo wasaaradda xusayna inuu ku faraxsanyahay cusboonaysiinta cusub oo ay ku sii wada shaqaynayaan.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.