Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa maanta qalab iskugu jira daawo iyo afxir kala wareegtay shirkada ganacsiga Daa’uus.

31 May

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa maanta qalab iskugu jira daawo iyo afxir kala wareegtay shirkada ganacsiga Daa’uus.

31,05,2020: Wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland ayaa maanta qalab looga hortagayo xanuunka Covid19 kala wareegtay shirkada ganacsiga Da’uus.

Masuuliyiinta wasaaradda oo madasha qalabka lagu wareejinayay joogay ayaa soo dhaweeyay shirkada Da’uus iyo qalbka muhiimka ah ee waqtiga loo baahnaa ay soo gaarsiiyeen wasaradda.

Agaasimaha guud wasaaradda Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan ayaa ugu horayn uga mahadceliyay shirkada da’uus qalabka ay maanta ku wareejinayaan oo u badnaa gacmaha kuwa lagashto kuwa sanka lagu xirto iyo qalbkale oo loogu talagalay in la iskaga ilaaliyo Covid19.

Wasiirka wasaaradda Dr Jamaca Farax Xasan ayaa masuuliyiinta shirkada da’uus uga mahadceliyay kuna amaanay sida ay uga qaybqaateen ka hortaga xanuunka safmarka ah ee Covid19, waxaana uu shirkadaha kale ee ganacsi ka codsaday inay ka qaybqaataan kagana daydaan.

 

Dhamaad-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND