Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa lagu qabtay shirka maaraynta iyo dib u eegida xogta caafimaadka.

21 Dec

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa lagu qabtay shirka maaraynta iyo dib u eegida xogta caafimaadka.

09,Dec,2020:- Waxaa maanta ka bilawday wasaaradda caafimaadka shirka maaraynta xogta caafimaadka, shirkaan oo socon doona labo maalmood ayaa la iskaga xog waraysanayaa xogta laga soo aruuriyay dhamaan deegaanada Puntland. Shirkaan oo saddex bilood mar la qabto ayaa la iskaga xog waraystaa guulaha laga gaaray xogtii la soo aruuriyay iyo caqabadaha jiray.

Furitaanka shirka ayaa waxaa madaxa maaraynta iyo maamulka xogta caafimaadka wasaaradda Abdirisak Cartan ayaa ku amaanay shaqaalaha gobolada iyo degmooyinka sida ay xogta usoo gudbiyaan waqtigii loo baahnaa waxaana uu agaasimayaasha iyo wasiirka ka codsaday inay ku bogaadiyaan shaqada ay qabteen, waxaa kale oo sheegay in Puntland kor u dhaaftay 1 million oo bukaan socod 11 ka bilood ee sanadka.
Dr Abdirisaaq Xirsi agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa ugu horayn ku amaanay bogaadiyayna shaqada qabsoontay saddexdii bilood ee lasoo dhaafay iyo guud ahaan sanadka dhamaanaya,hambalyo ayuu udiray shaqaalaha gobolada, iyo degmooyinka ee xogta soo ururiya, waxaana uu xusay in loo baahanyahay in la laba jibaaro shaqada socota, labada maalmood ee shirku idin socdana aad isla eegtaan sidii aad usii hormarin lahaydeen shaqada hadii caqabado jireena aad uga wada gudbi lahaydeen.
Waxaa tababarka si rasmi ah u furay wasiirkuxigeenka wasaaradda Abdinaasir Yusuf Xaaji waxa uu ku amaanay shaqaalaha shaqaalaha xogta caafimaadka ee wasaaradda shaqada ay qabteen guulaha la gaaray waxa uu soo jeediyay in meesha la joogo kor looga sii socdo.
Waxa uu xusay in shaqaalaha xogta caafimaadka ay yihiin laf dhabarka wasaaradda helitaanka xogta ayaana lagu saleeyaan qorshaha wasaaradda.
…….Dhamaad…….
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.