Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa kulan la qaadatay hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin.

24 Mar

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa kulan la qaadatay hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin.

Garoowe: 24 March 2024: Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland Mudane Said Jama Qorsheel oo ay wehelinayaan wasiir kuxigeenka wasaaradda Dr Abdirashiid Xaaji Jamac wasiirudawlaha Mudane Ahmed Shiikh Farax Mohamed iyo agaasimaha guud Dr Mohamed Mohamuud Xidig ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah qaar kamid ah hay’addaha caalamiga ah ee wasaaaradda la shaqeeya..

Kulankan ayaa ahaa is barasho iyo in warbixin wasaraddu la wadaagto xaaladiihii ugu danbeeyay ee caafimaadka guud iyo gaar ahaan cudurrada faafa.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel oo kulanka ka hadlay ayaa yiri:-
“ Kulankan muhiimadiisa waa inaan is barano madaama aan nahay wasiirrada cusub ee wasaaradda loo soo magacaabay, sidoo kalena sidii loo dardar gelin lahaa wada shaqayntii ka dhaxaysey wasaraadda iyo hay’addaha iyo sidii loo sii xoojin lahaa.”
Madaxda ka socotey hay’addaha ayaa uga mahadceliyay wasiirka kulanka ay isku arkeen iskuna barteen waxayna ballan qaadeen inay sidii iyo si ka dhaw ula shaqayn doonaan, waxayna balan qaadeen inay qayb ka noqon doonaan dadaalada wasaaddu wado ee looga jawaabayo cudurada faafa ee gobolada qaarkood ka jira.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.