Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka oo kullan la qaadatay Madaxa iskaashiga horumarinta Safaarada Filand ee Soomaaliya Karita laisi iyo ku xigeenka Madaxda Hay’adda UNFPA Soomaaliya Walter.

21 Sep

Wasaaradda Caafimaadka oo kullan la qaadatay Madaxa iskaashiga horumarinta Safaarada Filand ee Soomaaliya Karita laisi iyo ku xigeenka Madaxda Hay’adda UNFPA Soomaaliya Walter.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Jaamac Faarax Hasan oo ay weheliyaan Wasiir kuxigeenka wasaaradda Cabdinaasir Yuusuf Xaaji iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdirisaaq Xirsi Hasan ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta wasaaradda, Madaxa iskaashiga horumarinta Safaarada Filand ee Soomaaliya Karita laisi iyo ku xigeenka Madaxda Hay’adda UNFPA Soomaaliya Walter.

Dr. Jaamac Faarax Hasan Wasiirka wasaaradda Caafimaadkaga Puntland ayaa weftiga ku soo dhoweeyey Wasaaradda Kulan Saacado qaatay oo looga wada hadlay shaqada dhanka Caafimaadka ah oo ay ka wada qaateen hay’adda UNFPA iyo Safaarada Filand ayaa lagu bogaadiyay sidoo kalena looga codsaday inay sii labo jibaraan wada shaqaynta Fiican ee ay la leeyihiin Puntland

Waxaa sidoo kale la isla soo qaaday mashaariicda Dowladda Filand ay ka caawiyaan puntland si gaar ah Ibitaalka Guud gaar ahaan qaybta dhallaanka iyo hooyada iyo macaahida Caafimaadka ee gobolada Puntland qaarkood.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Dr Jaamac iyo Madaxa iskaashiga horumarinta Safaarada Finland ee Soomaaliya Karita laisi, waxay kulan kooban kula qaateen xarunta wasaarada la taliyaal Soomaali Fiinlaandiis ah oo Puntland ujooga caawinta iyo la talinta qayb ka mid ah wasaaraddaha Dowladda oo wasaaradda caafimaadku ay qayb ka tahay.

Wasiirku waxa uu soo dhaweeyay shaqada wanaafgsan ee ay puntland ka hayaan lataliyaashan iyo sida wadanka Filand u yahay mid kamid ah kuwa uga wanaagsan ee Soomaalida ka soo laabatay ay wax la taaban karo Bulshada ugu soo kordhiyeen .