Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda caafimaadka iyo garsoorka Puntland oo isla meeldhigay talaabooyinka caafimaad ee la raacayo si dib loogu furo adeega maxkamadaha

31 May

Wasaaradda caafimaadka iyo garsoorka Puntland oo isla meeldhigay talaabooyinka caafimaad ee la raacayo si dib loogu furo adeega maxkamadaha

Wasaaradda caafimaadka iyo garsoorka Puntland oo isla meeldhigay talaabooyinka caafimaad ee la raacayo si dib loogu furo adeega maxkamadaha.

30, May, 2020: Waxaa maanta shir ku wada yeeshay xarunta wasaaradda caafimaadka Puntland masuuliyiinta wasaraadda iyo garsoorka Puntland, waxaana laga wada hadlay talaabaaoyinia caafimaad ee lagu yaraynayo khatarta cudurka COVID-19 si dib loogu bilaabo adeega maxkamadaha oo bulshada reer Puntland muhiimad joogto ah u leh.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda caafimaadka Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan ayaa ugu horayn uga mahadceliyay masuuliyiinta garsoorka kulankan ay wada yeelanayaan kaasi oo la doonayo in la iskula meel dhigo talaabooyinka caafimaad ee loo baahanyahay in la hirgeliyo inta aan dib loo bilaabin shaqooyinka maxkamadaha.

Waxaana uu faray in loo bahanyahay in maxkamadaha oo shaqadoodu socoto hadana laga hortago in xanuunka safmarka ah ee COVID-19 uu ku fido xarumaha maxkamadaha oo dad badan iskugu yimaadaan inta badan.

Waxa uu soo jeediyay in loo baahanyahay in hoolka dacwadaha lagu qaadayo la xadido dadka gelaya gudaha sidoo kalena qofkasta la hubiyo inta uusan galin xaaladiisa caafimaad sida in la ogaado qandhada iyo inuu wato Afxir (mask) iyo gacmo gashi (gloves) si looga yareeyo khatarta xanuunka.

Gudoomiyaha maxkamada sare Puntland Nuur Ciise Mohamed ayaa isna dhankiisa soo dhaweeyay kulankaan oo xusay in loo baahanyahay in la ogaado qaabka dib loogu bilaabi karo shaqada garsoorka iyada oo laga fakarayo xanuunka Covid 19, waxaana uu uga mahadceliyay masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka taladooda ayna sida ay tahay u qaadanayaan hadii Eebe Idmo.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Jamac Farax Xasan oo kulanka soo xiray ayaa ku amaanay shaqada ay hayaan garsoorka, waxaana uu xusay in ka wasaaradd ahaan ay masuuliyad ka saarantahay inay la socdaan badqabka caafimaad ee cidkasta oo meel iskugu imaanaysa si looga hubiyo inuusan fidin xanuunka COVID-19.

Wasiirka ayaa kula dardaarmay madaxda garsoorka in inta aan la bilaabin shaqada maxkamadaha marka hore la hubiyo dhaqangelinta talaabooyinka caafimaad ee loo baahanyahay, ka wasaradd ahaana ay kala shaqayn doonaan garsoorka tababarida dadka baaritaanka samaynaya.

Dhamaad-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.