Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa galabta bulshada degmadda Dongorayo ku wareejiseey gaari Ambalaas ah

28 Nov

Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa galabta bulshada degmadda Dongorayo ku wareejiseey gaari Ambalaas ah

Garowe Nov,27,2023:- Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa galabta bulshada degmadda Dongorayo kala wareegtey gaari Ambalaas ah, kaasoo loogu talagalay in loogu adeego hooyada iyo dhalaanka ku nool degmada iyo hareeraheeda.

Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyada wasaaradda caafimaadka Mudane Mohamed Xuseen Maxamed ayaa gaariga la wareegay kuna wareejiyey maamuka cisbitaalka degmada Dr Aamina Nuur Yuusuf, waxaana goobjoog ka ahaa guddoomiye kuxigeenka degmada Mudane Maxaamed Faarax, maamulaha caafimaadka degmada Mudane Cabdiqaadir Siiciid Cabdiraxmaan iyo qaar kamid ah dhalinyarada degmada oo wakiil ka ahaa bulshada gaariganan wareejiyay.
Agaasimaha maamulka iyo maaliyada wasaaradda Maxamed Xuseen Maxamedayaa uga mahadceliyey bulshada degmada gaariga Ambalaas sida isku tashiga ah usoo gadeen si uu u daboolo baahida loo qabay, una adeegi doonta bulshada ku dhaqan degmada iyo hareeraheeda, aniguna waxaan ku wareejinay maamulaha caafimaadka degmada iyo agaasimaha cisbitaalka oo masuul ka noqon doona maamulkeeda.
Wasaaradda Iyo bulshada oo is kaashanayana waxay sidoo kale dhowaan bilaabi doonaa dhismaha dhul cusub oo cisbitaalku leeyahay si loogu fidiyo looguna balaariyo.
Maxamed  Faarax Guddoomiye kuxigeenka degmada dongoroyo oo madasha ka hadlay ayaa dhalinyarada degmada uga mahadceliyay gaariga baahida badan loo qabey ee ay soo iibiyeen, waxaan sidoo kale uga mahadcelinayaa shaqada wanaagsan ay ka qabatay cisbitaalka oo hada shaqeeya 24 saac, bixiyana intii badnayd adeegii loo baahnaa.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.