Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Blog

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland iyo agaasimaha guud Dr Maxamed Maxamuud Xidiga, agaasimaha caafimaadka asaasiga ah Mudane Cabdirisaaq Abshir Xirsi ayaa dhagax dhigay xarunta caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee Jowle ee magaalada Garoowe

01-Sep-2024:-Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland iyo agaasimaha guud Dr Maxamed Maxamuud Xidiga, agaasimaha caafimaadka asaasiga ah Mudane Cabdirisaaq Abshir Xirsi ayaa dhagax dhigay xarunta caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee Jowle ee magaalada Garoowe.

(more…)

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta shir guddoomiyey shirka u diyaar garowga iyo sida loo wajahayo haddii ay timaado xaalad degdegga (Emergency) ah, si gaar ah Cudurka furuqa Daanyeerka (M-pox) oo si aad ah ugu faafayo wadamo badan oo kamid ah Africa.

Garoowe: 27 August, 2024: Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta shir guddoomiyey shirka u diyaar garowga iyo sida loo wajahayo haddii ay timaado xaalad degdegga (Emergency) ah, si gaar ah Cudurka furuqa Daanyeerka (M-pox) oo si aad ah ugu faafayo wadamo badan oo kamid ah Africa.

(more…)

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa caawa ka qaybalay Sso bandhigga Daraasad ku saabsan fursadaha iyo baahiyaha yagleelidda Isbitaal Weyn oo Takhasus ah.

Garowe, Aug, 26, 2024: Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel iyo agaasimaha guud Dr Maxamed Maxamuud Xidig ayaa cawa ka qaybalay Sso bandhigga Daraasad ku saabsan fursadaha iyo baahiyaha yagleelidda Isbitaal Weyn oo Takhasus ah.

(more…)

Wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ayaa maanta Garoowe ka furtay tababar ku saabsan maamulka tayada xogta Saadka iyo Maamulka iyo Maareynta Bakhaarada Wasaaradda waxaana ka qaybgalaya qaar kamid ah madaxda xogta Saadka Gobollada iyo Madaxda Bakhaarada Gobollada Ee Puntland. (LIMS& Pharmacy officers).

Garowe, Aug, 25, 2024: Wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ayaa maanta Garoowe ka furtay tababar ku saabsan maamulka tayada xogta Saadka iyo Maamulka iyo Maareynta Bakhaarada Wasaaradda waxaana ka qaybgalaya qaar kamid ah madaxda xogta Saadka Gobollada iyo Madaxda Bakhaarada Gobollada Ee Puntland. (LIMS& Pharmacy officers).

Tababarka ayaa socon doono 3 maalmood ayaa lagu wadaa in la isku waydaarsado aqoon ku saabsan sidii loo kor loogu qaqdi lahaa tayada xogta Saadka iyo isticmaalkeeda.
Mohamud Abdikadir (Gaacir).madaxa xogta Saadka Ee wasaraadda caafimaadka dawladda Puntland:-
“ Waxaan dhamaan ka soo qaybgalayaasha uga mahadcelinayaa ka soo qaybgalka tababarkan muhiimka ah ee ku saabsan maamulka tayada xogta Saadka iyo isticmaalkeeda, waxaa la idinku yeeray inaad ka faa’iidaysataan cilmi iyo aqoona aad ka kororsataan sidoo kalena inaad ilaalisaan waqtiga iyo joogitaanka tababarka iyo ka qaybgalkiisa casharada lagu qaadanayo.”
Dr Mohamud WFP Nutrition offcer Ee Puntland oo furitaanka tababarka ka soo qaybgalay ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan ka soo qaybgalo tababarka muhiimka ah oo looga hadlayo sidii looga shaqayn laha helitaanka xog dhamaystiran oo la hubiyay, waxaan uga mahadcelinayaa Gaacir iyo qaybta xogta Saadka iyo Bakhaarada sida ay waqti iyo juhdi badan ugaliyeen tayaynata xogta Saadka iyo xaqiijinteeda, waxaan dhamaantiin idinka rajaynayaa inaad ka faa’iidaysataan aqoona ka kororsataan.”
Agaasimaha Guud Ee wasaaradda caafimaadka DPL Dr Mohamud Xidig oo tababarka furay ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsananay inaan idin kala soo qaybgalno tababarkan muhiimka ah, kuna saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa tayada xogta Saadka iyo Maamulka Bakhaarada iyo isticmaalkeeda. Tababarka waxaa uu soconayaa sida la xusay 3 maalmood waana waqti ku yar marka laga hadlayo waxa lagu qaadanayo balse dadaal badan ayaa la idinka rabaa.”
“ Waxaan rabaa inaan xuso in waqtiga tababarku socdo la yareeyo waxkasta oo ka mashquulin kara, waayo waxaad ka shaqaynaysaan waa xog iyo Maamulka Daawada waxaana muhiim ah in muhiimad la siiyo. Wasaaradda xogtu Saadku waa waxa ugu muhiimsan ee la rabo in la ilaaliyo sax ahaan shaheeda iyo xaqiiqdeeda”
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.
+20

(more…)

wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Dr Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta kormeermay qaar kamid ah xarumaha hooyada iyo dhallaanka (MCH) oo laga bixiyo tallaalka carruurta da’doodu ka yar tahay 5 sano ee aan horay loo tallaalin ama dhammaystiran Tallaalka.

Garowe: 20 Agoosto, 2024:wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Dr Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta kormeermay qaar kamid ah xarumaha hooyada iyo dhallaanka (MCH) oo laga bixiyo tallaalka carruurta da’doodu ka yar tahay 5 sano ee aan horay loo tallaalin ama dhammaystiran Tallaalka.

(more…)

Agaasimaha Guud ee wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Dr Maxamed Maxamuud Xidig ayaa maanta ka qaybgalay shirka guddiga Farsamo ee kor u qaadista nafaqada iyo sugnaanta cunada

Garowe: 20 Agoosto, 2024:Agaasimaha Guud ee wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Dr Maxamed Maxamuud Xidig ayaa maanta ka qaybgalay shirka guddiga Farsamo ee kor u qaadista nafaqada iyo sugnaanta cunadaoo uu Shir-guddoomiyey Agaasimaha Guud ee madaxtooyada Puntland, Maxamed Jaamac ayna ka qayb galeen agaasimayaasha guud ee wasaaraddaha.

(more…)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta xafiiska ku qaabilay wefti ka socday Hay’adda International Medical Corp oo uu hogaaminayay madaxa Puntland iyo Galmudug Axmed Khayr Macallin Maxamuud uuna weheliyo madaxa xiriiriyaha caafimaadka soomaaliya Xasan Maxamuud Habiibula.

20-August-2024:- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta xafiiska ku qaabilay wefti ka socday Hay’adda International Medical Corp oo uu hogaaminayay madaxa Puntland iyo Galmudug Axmed Khayr Macallin Maxamuud uuna weheliyo madaxa xiriiriyaha caafimaadka soomaaliya Xasan Maxamuud Habiibula..

(more…)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo ay weheliyaan agaasimaha guud Dr Maxamed Maxamuud Xidig iyo siihayaha agaasimaha qorshaynta Idiris Cabdulaahi Maxamed ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Wefti ka socdey Hay’adda Save the Children

19-August-2024:- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo ay weheliyaan agaasimaha guud Dr Maxamed Maxamuud Xidig iyo siihayaha agaasimaha qorshaynta Idiris Cabdulaahi Maxamed ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Wefti ka socdey Hay’adda Save the Children oo uu hogaaminayey ku xigeenkq Madaxa Puntland Maxamed Cabdulaahi Casayr.

(more…)

Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta xarunta dhexe ee wasaaradda ka furay shirka waxqabadka 6dii bilood ee lasoo dhaafay ee mashruuca TB-da oo oo kamid ah 10-ka cudur ee dilaaga ee adduunka

18-August-2024:- Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta xarunta dhexe ee wasaaradda ka furay shirka waxqabadka 6dii bilood ee lasoo dhaafay ee mashruuca TB-da oo oo kamid ah 10-ka cudur ee dilaaga ee adduunka.

(more…)