Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Blog

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland gaar ahaan qaybta Nadaafadda iyo Faya- dhawrka (Wash) ayaa maanta qabatay maalinta maalinta faraxalka Adduunka oo ku astaysan 15-Oktoobar sanadka kasta adduunka oo dhan laga xuso.

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland gaar ahaan qaybta Nadaafadda iyo Faya- dhawrka (Wash) ayaa maanta qabatay maalinta maalinta faraxalka Adduunka oo ku astaysan 15-Oktoobar sanadka kasta adduunka oo dhan laga xuso.

(more…)

Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa xalay ka qaybgalay xaflad lagu guddoonsiinayo shahaadooyin in ka badan 130 qof oo isugu jira Macallimiin Jaamacadeed iyo dhakhaatiir xirfado kala duwan leh

Garoowe, 11 October 2024: Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa xalay ka qaybgalay xaflad lagu guddoonsiinayo shahaadooyin in ka badan 130 qof oo isugu jira Macalimiin Jamacadeed iyo dhakhaatiir xirfado kala duwan leh tababarka oo soconayey muddo 8 beri ah si loogu dhiiri geliyo in ay kor u qadaan shaqada ay u hayaan bulshadooda, ayna bixinaysey Hay’ada Global Health Alliance oo fadhigeedu yahay gobolka Minnesota ee USA.

(more…)

Wefti ka socda Baanka Adduunka oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa Puntland ayaa kormeer ku tegey xarunta dhexe ee caafimaadka gobolka Nugaal, Xarunta Caafimaadka Jilab, iyo Xarunta Caafimaadka Gambool

Garoowe: 05 October 2024: Wefti ka socda Baanka Adduunka oo maalmihii udanbeeyey ku sugnaa Puntland ayaa kormeer ku tegey xarunta dhexe ee caafimaadka gobolka Nugaal, Xarunta Caafimaadka Jilab, iyo Xarunta Caafimaadka Gambool. Kormeerkooda ayaa daarnaa in qiimayn lagu sameeyo habsami u socodka adeegyada caafimaad ee ay bixiyaan xarumahaasi, iyadoo gaar ahaan diiradda la saarayo mashruuca Damal Caafimaadka.

(more…)

Weft heer sare ah oo ka socda Baanka adduunka oo ku sugnaa Puntland ayaa maanta soo kormeeray cisbitaalka guud ee Garoowe kaas oo uu ka socdo Mashruuca Damal Caafimaad oo uu maalgeliyo Baanka Adduunku (World Bank).

Garoowe: 04 October 2024: Weft heer sare ah oo ka socda Baanka adduunka oo ku sugnaa Puntland ayaa maanta soo kormeeray cisbitaalka guud ee Garoowe kaas oo uu ka socdo Mashruuca Damal Caafimaad oo uu maalgeliyo Baanka Adduunku (World Bank).

(more…)

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel,Wasiir ku xigeenka Dr Cabdirashiid Xasan, wasiiru dowlaha Mudane Axmed Shiikh Faarax iyo agaasimaha guud Dr Maxamed Maxamuud Xidig ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socdey Bangiga Adduunka oo ay hogaaminayso Francisca Ayodeji (Ayo) Madaxa Caafimaadka Baanka Adduunka ee Koonfurta iyo Bariga Afrika.

Garoowe: 03 October 2024: Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel,Wasiir ku xigeenka Dr Cabdirashiid Xasan, wasiiru dowlaha Mudane Axmed Shiikh Faarax iyo agaasimaha guud Dr Maxamed Maxamuud Xidig ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socdey Bangiga Adduunka oo ay hogaaminayso Francisca Ayodeji (Ayo) Madaxa Caafimaadka Baanka Adduunka ee Koonfurta iyo Bariga Africa, ayna wehelinayeen Bashiir Xamid Habiib Aadan Nuur, Peter okorow, Dr Cabdisalaan Bahwal.

(more…)

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel,wasiir kuxigeenka wasaaradda Dr Cabdirashiid Xasan, Wasiiru dowlaha Axmed Shiikh Faarax iyo agaasimaha guud Dr Maxamed Maxamuud Xidig ayaa maanta ku wareejiyay lix gaari oo gargaarka degdegga ah degmooyinka gobolka Nugaal si kor loogu qaado adeega Caafimaad ee bulshada loo hayo

Garoowe: 02 October 2024: Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel,wasiir kuxigeenka wasaaradda Dr Cabdirashiid Xasan, Wasiiru dowlaha Axmed Shiikh Faarax iyo agaasimaha guud Dr Maxamed Maxamuud Xidig ayaa maanta ku wareejiyay lix gaari oo gargaarka degdegga ah degmooyinka gobolka Nugaal si kor loogu qaado adeega Caafimaad ee bulshada loo hayo.

(more…)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel, wasiirka xanaanada xoolaha Cumar Cabdisamad Yuusuf iyo Xildhibaano kamida Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir Garoowe ku soo dhoweeyay wefti dhakhaatiir ah oo ka socda Hay’adda Global Health Alliance oo fadhigeedu yahay gobolka Minnesota ee USA.

Garoowe: 30 September 2024: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Da\owladda Puntland Mudane Siciid Jaaomac Qorsheel, wasiirka xanaanada xoolaha Cumar Cabdisamad Yuusuf iyo Xildhibaano kamida Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir Garoowe ku soo dhoweeyay wefti dhakhaatiir ah oo ka socda Hay’adda Global Health Alliance oo fadhigeedu yahay gobolka Minnesota ee USA.

(more…)

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayna weheliyaan wasiir kuxigeenka wasaaradda Dr Cabdirashiid Xasan iyo lataliyaha madaxweynaha caafimaadka Dr Cabdirahmaan Siciid Gacamey ayaa maanta hay’adda WHO kala wareegay gaari iyo warshad Oxygen.

Garowe: 30 Sep 2024:- Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland Mudane Siciid Jamac Qorsheel ayna wehelinayeen wasiirkuxigeenka wasaaradda Dr Abdirashiid Hassan iyo lataliyaha madaxweynaha caafimaadka Dr Abdirahmaan Siciid Gacamey ayaa maanta hay’adda WHO kala wareegay gaari iyo warshad Oxygen.

X