Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Blog

Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Mudug ayaa maanta degmada Galkacyo ka bilawday buufinta kaneecada, taasoo soconaysa mudo 10 maalmood ah, waxaana qorshuhu yahay inta badan xaafadaha magaalada in la buufiyo.

Wasaaradda ayaa ka shaqaynaysay sidii bulshada magaalada uheli lahaayeen adeegyada dhanka caafimaadka ah kadib markii inta badan magaalada roobab ka da’ay ay biyo fariisteen sababna unoqon karaan caafimaad daro iyo cuduro ka dhasha, kaneecada ayaa magaalada aad ugu soo badatay intii roobabku jireen madaama magaalada biyo fadhiyeen.

(more…)

Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Karkaar oo kaashanaysa hay’addaha UNICEF ayaa maanta magaalada Qardho ku qabatay Shir ku saabsan wacyigalin tallaalka Gaar ahaan tallaalka cusub ee oofwareenka iyo shubanka.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Cafimadka dawladda puntland heerarkeeda kala duwan,dhakhaatiir iyo aqoonyahano ka socda jaamacadaha, Macaacida caafimaadka iyo Cisbitaalada gaarka looleeyahay ee ku yaal Gobolka iyo wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah ee UNICEF iyo WHO.

(more…)

Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland oo kaashanaysa hay’adda UNICEF ayaa maanta magaalada Galkacyo ku qabatay Shir ku saabsan wacyigalin tallaalka. Gaar ahaan tallaalka cusub ee oofwareenka iyo shubanka.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda, masuuliyiinta caafimaadka gobolka, dhakhaatiir iyo aqoonyahano ka socda jaamacadaha magaalada Galkacyo, iyo wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah ee UNICEF iyo WHO.

(more…)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qorsheel ayaa xafiiska caafimaadka Gobolka Bari ku qaabilay Masuuliyiin kasocotay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Kulankan waxaa Wasiirka ku wehlinayay Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka DPL ee Gobolka Bari Siciid Maxamed Waraabe iyo masuuliyiinta Caafimaadka Wasaaradda ,Waxaana si qoto dheer looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka Mashaariicda iyo balaarinta adeegyada caafimaadka oo uu kamid yahay Talaalka.

(more…)

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo kaashanaysa Hay’adda Save the Children ayaa Magaalada Badhan ee Xarunta Gobolka Sanaag ku qabatay Munaasabad lagusoo xirayay Todobaadka Tallaalka aduunka oo sanad walba aduunka laga xuso.

Wasaarada Caafimaadka Puntland ayaa 24 ilaa 30kii bisha April ka qabatay guud ahaan Puntland olole wacyigalin iyo bixin adeeg bixin dheeri ah ee tallaalada kuwaasoo looga gol lahaa in la baahiyo adeeg bixinta Caafimaadka, in la gaaro ilmo badan oo seegay Tallaalada asaasiga ah iyo in kor loo qaado wacyiga bulshada ee arimaha tallaalka iyo guud ahaan Caafimaadka.

(more…)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qorsheel oo ay wehliyaan qaar katirsan Golaha Wasiirada Dowladda Puntland,Agaasimayaal iyo bahda Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Bari ayaa ka qaybgalay munaasabad bilad sharaf howlkarnimo lagu guddoonsiinayay Prof. Khaliif Bille Maxamuud

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qorsheel oo ay wehliyaan qaar katirsan Golaha Wasiirada Dowladda Puntland,Agaasimayaal iyo bahda Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Bari ayaa ka qaybgalay munaasabad bilad sharaf howlkarnimo lagu guddoonsiinayay Prof. Khaliif Bille Maxamuud oo door weyn kasoo qaatay horumarinta Adeegyada Caafimaadka Puntland gaar ahaan hindisihii hirgalay ee Marwo Caafimaad oo ay ka faa’iideysteen kumanaan Muwaadiniin reer Puntland ah.

(more…)

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo ka jawaabaysa codsi uga yimid taliyaha qaybta booliska gobolka Karkaar Xuseen Ali Maxamed iyo taliska xerada tababarka ciidamada ee Xorgoble Qardho ayaa maanta xerada gaysay dhakhaatiir dawayn iyo baaritaan ku samayna ilaa 18 ciidamada kamid ah oo xanuun la jiifay.

Abdirisaaq Abshir Xirsi agaasimaha caafimaadka asaasiga ah ee wasaaradda caafimaadka Puntland oo ay wehelinayeen madaxda caafimaadka heer gobol ayaa warbixin ka dhagaystay taliyaha iyo saraakiisha xerada waxayna booqdeen bukaanada xanuunka la jiifa kadibna waxaa bilawday in baaritaan lagu sameeyo, kuwa kale oo caafimaad qabana waxaa lagu baraarujiyay inay taxadarkooda muujiyaan kana shaqeeyaan sidii naftooda iyo mida ciidamada kale u ilaalin lahaayeen.

(more…)