Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Isku furanka dumarka waqtiga dhalmada oo ku beegan 23/05/2023-ka ayaa lagu qabtay wasaaradda caafimaadka Dowlada Puntland

07 Jun

Munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Isku furanka dumarka waqtiga dhalmada oo ku beegan 23/05/2023-ka ayaa lagu qabtay wasaaradda caafimaadka Dowlada Puntland

Munaasabad lagu xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Isku furanka dumarka wakhtiga dhalmada oo ku beegan 23/05/2023-ka ayaa lagu qabtay wasaaradda caafimaadka Dowlada Puntland

Waxaa ka qaybgalay wasiirka caafimaadka Dowlada Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan iyo wasiirka Haweenka iyo arimaha Qoyska Marwo Niciimo Cabdirahmaan Guuleed, Kusimaha agaasimaha guud ahna agaasimaha caafimaadka asaasiga ah ee wasaaradda caafimaadka Puntland Cabdirisaaq Abshir Xirsi, agaasimaha Shaqada iyo shaqaalaha wasaaradda Idiris Maxamed Cbdulaahi, Ismaaciil Xaaji Abdi agaasimaha wasaaradda Caddaaladda Iyo saraakiil ka socday hay’addaha UNICEF, UNFPA, WHO Iyo Save Children.
Shiikh Ismaaciil xaaji Cabdi Kusimaha agaasimaha arimaha diinta ahna Agaasimaha Daryeelka wasaarada Cadaaladda, arimaha diinta, Dastuurka iyo dhaqancelinta Puntland oo ugu horayn ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaan ka mahadcelinayaa inaan ka soo qaybgalo maalin kamid ah maalmaha looga hadlayo arimaha Bulshada gaar ahaan hooyada, maalmahaan oo kale waxaa la isku xasuusiyaa la iskuna baraarujiyaa muhiimada ay leedahay dhaabtooyinka caafimaad ee ka jira bulshadeena iyo sidii wax looga qaban lahaa, maahan maalmo ciid ah balse waa maalmo lamid ah maalmaha kale.”
Abdirisaaq Abshir Xirsi kusimaha agaasimaha guud ahna agaasimaha adeegga asaasiga ah ee wasaaradda caafimaadka oo ka hadlay yiri:-
“ Munaasibada aan iskugu nimid maahan mid xus ah ee waa dardargalinta iyo wacyigalinta xanuunka isku furanka oo dhibaato badan ku haya qaar kamid ah hooyooyinka sharafta badan, xanuunkaan ayaa inta badan la kulmaan waqtiga ay hooyadu umulayso taasoo sababteeda ugu weyn ay tahay, dayac ku dhaca ama inaysan ku dhalin meel caafimaad ama ay ka helayso adeeg dhamaystiran oo caafimaad.”
“ Dhulka an ku noolnahay iyo qaabka aan unoolnahay ayaana keenaysa in xanuunkaan uu noqdo mid kamid ah kuwa ugu badan ee dumarkeenu la kulmaan, wasaaraddu waxay ku guulaystay inay deegaamada fogfog ka hirgaliyo qaliinka loo sameynayo hooyada fooshu ku adkaato si loo yareeyo dhibaatooyinka soo gaari kara balse wali lama wada gaarin guud ahaan meelkasta oo hooyo ku umusho, waxayse yaraysay dhibaatada soo gaari jirtay sida in meelo kale loo soo qaadi jiray safar adag oo dheerna ay soo gali jireen qaarkoodna jirka ku dhiman jireen ama xanuunkaan oo kale la kulmi jireen, hada waxaa wadnaa in aan samayno xarun ugaar ah hooyada xanuunkaasi ku dhaco, kaasoo ay ka helayso dawayn iyo qaliin dib loogu diyaarinayo waana rajaynayaa in mustaqbalka dhaw aan helno. Dhaqankeena oo aad u xoogan ayaa waxaa marmarka qarakood sababaa in hooyada xanuunka ama dhibta la kulanta ay qarsato oo aysan soo bandhigan, waxaan inta badan kenaysa inay ka baqayso in lagu caayo ama takooro.”
Baxsan Siciid madaxa UNFPA Puntland oo madasha ka hadashay aya tiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan idin kala soo qaybgalo munaasibadan muhiimka ah ee la isku xasuusinayo dibna loogu eegayo xaaladaha qaar kamid ah dumarka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan Puntland ku suganyihiin xanuunka la xusay ee isku furanka, la iskula soo qaadayo guulaha la gaaray iyo caqabadaha jira sidii looga gudbi lahaa.”
“Dalal badan ayaa dhibkaani ka jiraan gaar ahaan wadamada dhaqaalahoodu hooseeyo, 13,000 in ka badan dumarka soomaaliya ayaa la sheegay inay xanuunka la noolyihiin, hay’dda UNFPA iyada oo kaashanaysa wasaaraddaha caafimaadka dalka waxay sanadkasta usamaysaa ilaa 200 oo dumarka xanuunka qaba dib uhabayn ama qaliino loo sameeyo, aad ayay uyayahay marka loo eego tirada guud, waxaase loo baahanyahay in aad loogu qareemo dhaqaale badana loo helo, xaflada noocaan oo lale ah uqareemid ayaa looga faa’iidaysan karaa. hooyooyinka xanuunka la nool waxay bulshada kala kulmaan faquuq, cay iyo takoor, taasoo keenta qofka inuu dadka ka dhex baxo oo meel cidlo ah iska tago.”
Xaashi Muuse Madaxa caafimaadka UNICEF iyo Habiib Abdi shire oo ka socday hay’adda WHO oo iyaguna munaasibada ka hadlay ayaa xusay muhiimada maalintaan leedahay iyo sida loogu baahanyahay in wax badan laga qabto adeega caafimaadkana kor loo qaado, sidoo kalena waxay xuseen in loo baahanyahay in la kordhiyo xarumaha lagu daweeyo maadaama Puntland hada kaliya ay ka jirto hal xarun ah oo qaliinka lagu sameeyo kuna taala Galkacyo waana in laga hirgaliyo gobolada dhan ama in la helo sida agaasime Abdirisaaq sheegay xarun ugaar ah.
Faatima timajilic ururka umulisooyinka Puntland oo ka hadashay ayaa tiri maanta waxaan uwada joognaa midkamid ah maalmaha ugu muhiimsan nolosha hooyada, umulisadu waa qofka ugu dhaw ee arintaan la macaamila, waxaan markasta dhiirigalinayaa gabdhaha umulisooyinka inay ogaadaan oo la socdaan daba galaan gabdh kasta oo ay arkaan inay dadka ka fogaanayso si ay uhesho dawaynta ay ubaahantahay.
Niciimo Abdirahmaan Guuleed wasiirka Horumarinta Haweenka iyo arimaha Qoyska oo iyaduna xaflada hadal ka jeedisay ayaa tiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan idinkala soo qaybgalo xuska maalintaan muhiim ah ee looga hadlayo sidii loo yarayn lahaa isku furanka iyo dhibaatooyinkiisa, waxaan ku bogaadinayaa wasaaradda caafimaadka dadaalka ay galisay balse wali wax badan ayaa dhiman oo ubaahan in la iska kaashado dhamaan dhinacyada ay khusayso. Waxa ugu muhiimsan waa wacyigalin in laga sameeyo xanuunka iskufuranka mudo ayay ku qaadataa gabdhu inay ogaato xanuunka haya, waxay sidoo kale aad uga baqdaa inay dadka la wadaagto madaama dadkeenu ay yihiin dad aan waxba qarin taasoo dhibaato kala duwan ay kala kulmayso,sidoo kale waa in la helo dhakhaatiir soomaaliyeed oo qaliinada samayn kara gaar ahaan kuwa sii daran iyo cisbitaal ugaar ah oo ay k helaan dawayn iyo qaliinada ubaahanyihiin.”
Dr Jamac Farax Xasan wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland oo xaflada gabagabadeedi ka hadlay ayaa yiri:-
“Waxaan umahadcelinaya dadka ka soo shaqeeyay xuska maanta aan xusayno ee isku furanka haweenka, waxaan inta badan isku wacyigalinaa dhibaatooyinka xanuunkaan uu ku hayo hooyada soomaaliyeed ee la kulanta, waxaana ugu weyn qoys burbur ku yimaada, shaqo haday haysan oo ay ka tagto ama iska dhaafto iyo waxyaabo kale oo nafteeda khatar ku ah.”
“Hadaba laba qodob ayaa la looga gudbi karaa laguna yarayn karaa xanuunkaan kuwaasoo kala ah, kordhinta dadaalka socda iyo ka hortagida waxyaabaha sababa iyo joojintooda. Wacyigalinta caafimaadka in la gaarsiiyo meelaha fogfog in la dardargaliyo la labo laabo wax badan ayay ka tari karaan in guul laga gaaro, Wax yaabaya isku furanka keenaya inaga ayaa gacanteena ku samaynayna waxaana sababta ugu wayn lagu sheegaa gudniinka fircooniga waana inaad dadaal badan ugalno in la joojiyo, waxaana ugu horeya xeerka golaha xukuumada ka soo gudbay in barlamaanku ansixiyaan.“
“Wasaaradda Caafimaadka wax badan ayay ka qabatay haday ahaan lahayd wacyigalin ololayaal caafimaad oo qaliino loogu sameeyay haween badan oo xanuunka la kulmay hadana waxaa qorshaha ugu weyn ee la wado yahay helitaanka cisbitaal qalabkiisi iyo dhakhaatiirtu udhantahay oo laga hirgaliyo Puntland kasoo adeega ay ubaahanyihiin siiya.”
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.