Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor , ayaa maanta ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel iyo Wasiirkii hore ee Wasaarada Dr Jaamac Faarax Xasan,

16 Mar

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor , ayaa maanta ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel iyo Wasiirkii hore ee Wasaarada Dr Jaamac Faarax Xasan,

Garoowe: 13 March 2024: Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor , ayaa maanta ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel iyo Wasiirkii hore ee Wasaarada Dr Jaamac Faarax Xasan, oo ay weheliyaan Wasiir Ku-xigeenkii hore Mudane Cabdinaasir Yusuf Xaaji iyo Wasiiru Dowlahaha cusub Mudane Axmed Shiikh Faarax Maxamed ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Mohamuud Xiddig , ayaa munaasabadda ku soo bandhigay waxqabadka Wasaaradda, ee sahntii sano ee la soo dhaafay.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Jaamac Faarax Xasan, ayaa ka warbixiyey Shaqooyinka Wasaaradda u qabsoomay 5-sano ee lasoo dhaafay, sida ay u maaraysay xaaladihii caafimaad ee Adduunka ka dhacay sida COVID-19 iyo cudurada kale ee adduunku wajahay, oo marwalba Wasaaraddu ay dadaal ku bixinaysay in la helo qalabka baaritaanada casriga, tallaalka iyo daaweynta in lagu wada gaarsiiyo dadweynaha meelkasta oo ay joogaan.
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa Wasiirkii hore uga mahad celiyey sida uu uga shaqeeyey Wasaaradda waxaana uu sheegay in uu shaqada Wasaaradda halkasi ka sii wadi doono.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa boggaadiyey shaqadii wanaagsaneyd ee Wasiirkii hore iyo masuuliyiinta kale ee caafimaadku qabteen, wuxuuna Kula dardaarmay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caafimaadka inuu halkaasi hore ugasii wado Wasaaradda si loo fulliyo qorshaha dhow iyo kan fog ee Horumarinta Caafimaadka Puntland.
Munaasabadda waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Musuuliyiinta cusub ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Masuuliyiintii hore ee Wasaaradda, Guddiga xilwareejinta Golaha Wasiirrada, Agaasimeyaasha iyo Shaqaalaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Saraakiil ka socotey Madaxtooyada.
πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.