Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Madaxweynaha Puntland Oo maanta soo kormeeray wasaaradda caafimaadka.

21 Dec

Madaxweynaha Puntland Oo maanta soo kormeeray wasaaradda caafimaadka.

Garoowe: 09, December, 2020:
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer shaqo ku yimid Wasaaradda Wasaaradda Caafimaadka. Wasiirka kuxigeenka wasaaradda Mudane Abdinaasir Yusuf Xaaji, agaasimaha guud iyo agaasimayaasha waaxyaha ayaa madaxweynaha ku soo dhaweeyay wasaaradda.

Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa ka bilaabay hoolka wasaaradda oo uu ka socday shir ku saabasanaa dib u eegista xogta caafimaadka halkaasi oo uu ka dhagaystay madaxa xogta caafimaadka wasaaradda Abdirisaaq Cartan iyo masuuliyiinta wasaaradda sanadka dhamaanaya xogta caafimaadka xanuunada kordhay kuwa hoos udhacay iyo bukaanada soo booqday xarumaha caafimaadka.
Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa kormeeray qaybta wicidda deg-degga ah ee ka jawaabidda cabashada caabuqa Covid-19, qaybta kaydka daawooyinka, waxaana uu masuuliyiinta wasaaradda uu ku bogaadiyay shaqada socota waxaana uu kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan adeegyada caafimaadkana dadka la wada gaarsiiyo.
Kormeerka Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ee wasaaradda ayaa qayb ka ahaa kormeer uu maanta ku marayay qaar kamid ah Xarumaha Dowladda kaas oo kula soconayay shaqooyinka muhiim ka ah ee ay u hayaan bulshada Wasaaradaha iyo hay’addaha Dowladdu.

DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.