Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani ayaa maanta booqasho shaqo ku yimid xarunta dhexe ee Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland.

31 Mar

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani ayaa maanta booqasho shaqo ku yimid xarunta dhexe ee Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland.

Garoowe: 26 March 2024: Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Abdulaahi Dani aya maanta booqasho shaqo ku yimid xarunta dhexe ee Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland.
Waxaa ku soo dhoweeyey wasaaradda wasiirka wasaraadda Siciid Jaamac Qoorsheel, wasiir ku xigeenka Dr Cabdirashiid Xasan Jaamac, wasiiru dowlaha mudane Axmed Shiikh Faarax Maxamed iyo agaasimaha guud Dr Maxamed Mahamuud Xidig, kulan kooban oo uu xafiiska wasiirka kula qaatay waxa uu warbixin guud ka dhegeysay masuuliyiinta wasaaradda kasoo ku saabsanaa xaalada guud ee caafimaadka Puntland si gaar ah cudurada faafa oo ilaa bilawgii sanadkan ka jiray deegaamada qaarkood sida gawracatada,jadeecada, xiixdheerta iyo shuban biyoodka iyo sida ay u socdaan adeegyada caafimaad ee kale ee joogtada ah ee loo hayo Bulshada.
Wuxuu ku booriyay Madaxweynuhu masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Shaqada ay hayaan, isagoo kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan. Kormeerka Madaxweynaha ayaa salka ku haya dardargelinta shaqada iyo tayeynta addeegga Dowladnimada.
Kormeerka waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo Af-hayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jaamac Dabaraani.


DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.