Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Madaxweynaha Dawlada Puntland Siciid Abdulaahi Dani ayaa xalay hadal jeedintiisi bilaha ahayd kaga hadlay xanuunka Covid19 iyo Puntland

08 Jun

Madaxweynaha Dawlada Puntland Siciid Abdulaahi Dani ayaa xalay hadal jeedintiisi bilaha ahayd kaga hadlay xanuunka Covid19 iyo Puntland

Madaxweyne Siciid Abdulaahi Dani ayaa xusay in uu yaraaday dadka xanuunka laga helayo, balse ay ka dowlad ahaan indhaha ku hayaan inuu markale kor ukici karo sida caalamka uu ka samaynayo.Madaxweynaha ayaa xusay in dad ka badan 1000 qof oo xanuunka laga baaray Puntland laga helay 185 qof, ayna ugeeriyoodeen 6 qof, 16 qofna ay ka soo kabteen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in taasi tilmaamayso in xanuunku uu sii yaraanayo, ayna go’aan sadeen ka dowlad ahaan markii ay la tashadeen waalidiinta Culimada in dib loo bilaabyo dugsiyada quraanka iyada oo aad looga taxadarayo.