Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Guddiga wacygelinta ee Covid-19 ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Wasaaradda Caafimaadka ee Garoowe

29 May

Guddiga wacygelinta ee Covid-19 ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Wasaaradda Caafimaadka ee Garoowe

Guddiga wacygelinta ee Covid-19 ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Wasaaradda Caafimaadka ee Garoowe, waxaan kulanka kaga hadalnay waxyaabaha Guddiga uga qabsoomay Qorshihii shaqo ee aan dejisanay, hirgelinta bandowga , isu socodkii dadka, joojinta Qaadka iyo xirista Goobaha dadka isugu yimaadaan, maadaama xaaladdo Covid-19 ah laga sheegay Muqdisho, waxaan ku dadaalaynaa in aan sii laba jibaarno dadaalka ay wada jirka u wadaan Guddiga Guud ee wacygelinta iyo ka hortagga Coronavirus. Guddigu wuxuu isla gartay in kulamo lala qaato Culimada, Nabadoonada iyo Ganacsatada si ay doorkooda uga qaataan wacyigelinta, una hirgeliyaan waxyaabaha iyaga ka khuseeya awaamiirta bandowga iyo xiritaanka goobaha la isugu yimaado.