Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland oo ka warbixiyay xaladihii ugu danbeeyay Covid19

21 Jun

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland oo ka warbixiyay xaladihii ugu danbeeyay Covid19

Agaasimaha guud wasaaradda caafimaadka oo ka warbixiyay xaladihii ugu danbeeyay Covid19

17, June, 2020: Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta xafiiskiisa kula hadlay xafiiska warbaahinta wasaaradda iyo Puntland Tv aya ka warbixiyay xaaladihii ugu danbeeyay ee Covid 19, agaasimaha ayaa sheegay in 5 maalmood ee lq soo dhaafay ay sara ukacday dadka laga helayo xanuunka ayna gaartay 54 qof, dadka xanuunka laga helay ayaan kala jooga dhamaan gobolada Puntland.

Agaasimaha ayaa ka hadlay talaabooyinka ay qaaday wasaaradda oo ka mid ah in la kordhiyay xarumaha dawaynta iyo karantiilka ee ka furan gobolada lana gaarsiiyay 15 xarumood oo ku kala yaala 9 gobol ayna udhamaytireen adeegyada looga baahanyahay iyo xirfadlayaal caafimaad oo aqoon uleh.

Sidoo kale agaasimaha ayaa xusay in ay korortay maalmihii la soo dhaafay dadka soo wacaya xarunta call Centerka kuwaasi oo ka cabanaya xaalado caafimaad ama iskaga shakisan.

Agaasimaha ayaa guddiga wasiirada ah ee wacyigalinta uga mahadceliyay talaabooyinka ay qaadeen iyo amarada ay soo saarayeen khamiistii hore, waxaa sidoo kale uu uga mahadceliyay guddiga KMG doorashooyinka Puntland inay dib udhigeen isku soo baxyada iyo shirarka ay lahaayeen si looga hortago fiditaanka xanuunka.

 

 

Dhamaad-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.