Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Guddiga dhakhaatiirta Puntland Ee Covid19 oo booqday xarunta karantiilka Garowe

29 May

Guddiga dhakhaatiirta Puntland Ee Covid19 oo booqday xarunta karantiilka Garowe

17April,2020: Kusimaha agaasimaha Guud ahna agaasimaha waaxda caafimaadka asaasiga ah Abdirisaaq Abshir Xirsi oo uu weheliyo agaasimaha waaxada caafimaadka Guud Dr. Ali Dhuux Diiriye ayaa maanta kormeer iyo inay soo arkaan ku geeyay xarunta karantiilka ee lagu hayo dadka looga shakiyo xanuunka Covid19. Gudoomiyaha Guddiga Dhakhaatiirta ee wasaaradda kala shaqaynaya xanuunka Covid19 Dr Cartan ayaa mid mid ugalay qaybaha kala duwan ee xaruntu ka koobantahay.

Kadib marka uu soo dhamaystay booqashadiisa ayuu warbixin kooban la wadaagay agaasimayaasha waxaana ugu horayn wasaaradda uu ku bogaadiyay shaqada wangsan ee ay qabteen, sida inta badan qalabkii loogu baahnaa ay udhigeen xarunta iyo sida adeegyada usiinayaan dadka xaruntaan ku jira.

Waxaa sidoo kale Dr Cartan uu agaasimayaasha la wadaagay waxyaabo ubaahan farsamo ahaan in la sii hormariyo.

Xarunta oo ay ku jiraan hada 3 qof oo looga shakisanyahay xanuunka ayuu Dr Cartan xaaladooda ka waraystay dhaakhaatiirta xarunta ka shaqeeya.

Agaasime Abdirisaaq ayaa Dr Cartan iyo guddiga dhakhaatiirta ee ka shaqaynaya xanuunka ku amaanay sida ay kaalintooda uqaadanayaan, waxaana uu sheegay inay ka wasaaradd ahaana horumarin doonaan siday tahayna uqaadan doonaan talooyinka ay dhaqaatiirtu usoo jeediyeen.

Xaruntaan ayaa ka mid ah ilaa 12 xarumood oo wasaaradda caafimaadku ka hirgalisay gobolada kala duwan ee Puntland ayna udhamaystiranyihiin qalabkii ugu mihiimsana ee goobahaas looga baahnaa.