Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Guddiga Arimaha Bulshada iyo Dhaqanka Barlamaanka Golaha wakiilada Puntland oo kormeer shaqo maanta ku yimid wasaaradda caafimaadka

02 Sep

Guddiga Arimaha Bulshada iyo Dhaqanka Barlamaanka Golaha wakiilada Puntland oo kormeer shaqo maanta ku yimid wasaaradda caafimaadka

Guddiga Arimaha Bulshada iyo Dhaqanka Barlamaanka Golaha wakiilada Puntland oo kormeer shaqo maanta ku yimid wasaaraddq caafimaadka. Garoowe, Agoosto 31, 2020: Waxaa maanta wasaaradda caafimaadka Puntland kormeer shaqo iyo is xogwaraysi ah ku imaaday guddiga arimaha bulshada iyo dhaqanka barlamaanka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xassan oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Dr Cabdrisaaq Xirsi Xassan ayaa guddiga ka socday barlamaanka ku soo dhaweeyay xarunta wasaaradda uga warbixiyey shaqooyinka Wasaaradda, qorshayaasha degsan, waxyaabaha u qaab-soomay sanadka 2020 iyo weliba caqabadaha jira, iyagga oo sidoo kalena, su’aalo laga weydiiyay arrimaha ay ka hadleen, Guddiguna u hawlgalidoonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira Wasaaradda doorkoodna ay ka qaadanayaan.
Wasiirka ayaa uga warbixiyay guddiga shaqada socota isaga oo si qoraal ahna ula wadaagay sanadkaan waxa qabsoomay caqabadaha jiray oo ay ugu weynayd in aduunka uu ka dilaacay xanuunka Covid19 oo intii badnayd shaqadii wasaaraddu ay waday uwareejisay sidii bulshada looga wacyigalin lahaa xanuunka looguna diyaargaroobi laha sidii dadka uu saameeyo ay u

heli lahaayeen xarumo lagula tacaalo xaaladahooda, waxa sidoo kale uu xusay wasiirku in qorshayaashii sanadka qorshaysnaa inta laga qaban karo la qaban doono sanadka inta ka dhiman.
Kormeerka shaqo ee Guddiga ayaa qeyb ka ah shaqooyinka Guddiyadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ay ku tagayeen Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda Puntland.

 

 

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.